|
|||||
WAJAALE NEWS
Haweeney-Toogatay-Ninkeeda-oo-u-shaqeynayay-Wasaarada-Arimaha-Gudaha-Dowladda-Somalia
February 26, 2014 - Written by Editor:MUQDISHO(WAJAALENEWS) Haweeney ayaa toogasho ku dishay saaka aroortii hore seygeeda oo u shaqeynayay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Soomaaliya.
Toogashadan ayaa dhacday xilli mas’uulkan oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Sh. Sadiiq uu isku diyaariyay inuu shaqadiisa aado, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay inay disho.
dad goobjoogayaala ayaa sheegay in marxuumka la dilay uu lahaa dhowr xaas, lagana yaabo in loo dilay sababo dhinaca masayrka la xiriira, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn.
“Marxuuma waxaa toogatay mid ka mid ah xaasaskiisa, waxayna ku dishay qori u yaallay guriga,” ayuu yidhi goobjooge la hadlay qaar kamida warbaahinta oo halkaa ku sugan, isagoo sheegay in haweeneydii dilka geystay ay baxsatay.
Ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo laga hayo dilkan iyo inuu jiray khilaaf u dhexeeyay ninka iyo xaaskiisa, iyadoo aysan ahay markii ugu horreysay oo haweeney ay disho saygeeda.
Sannadkii hore ayay ahayd markii haweeney aysan sidan oo kale u dishay ninkeeda oo ka mid ahaa saraakiisha hay’adda nabadsugidda Qaranka, xilli ay ku dishay qori uu isagu lahaa.
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:Shacabka Hargeysa Oo Is Weydiinaya Halka Ay Martay Lacagtii Malaayiinta Doollar Ahayd Ee Guddida Kar... Jubbaland Oo Soo Iibsatay Diyaarad Lagu Soo Qaadayo Wafuud Ka Qeybgalaya Munaasabada Caleemo Saarka... Xubno Kamid Ah Golaha Wasiirada Somaliland Oo ka Qaybgalay Bandhiga Buuq Uu Qoray Aqoonyahan Cismaan... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|