Haween Gobobollada Sool iyo Sanaag-bari ah oo Cabaareeyey Xeer-hoosaadka Awoodda Lagaga Dhimay Guddoomiye-ku-xigeennada Wakiillada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haween Gobobollada Sool iyo Sanaag-bari ah oo Cabaareeyey Xeer-hoosaadka Awoodda Lagaga Dhimay Guddoomiye-ku-xigeennada Wakiillada
February 13, 2014 - Written by Editor:

Haween ka soo jeeda gobollada Sool iyo Sanaag bari, ayaa si weyn u cambaareeyey in laga hoosaysiiyo fadhi ahaan Guddoomiye-ku-xiggeennada Golaha Wakiillada kursiga uu fadhiisto Guddoomiyuhu, meeshana laga awooddii wada jirka ahayd ee shirguddoonka. Haweenkan oo xaflad ay ku taageeryaan go’aanka uu Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax ku diiday inuu fadhiisto kursiga xeer-hoosaadka cusub u qoondeeyey ku qabsaday hudheelka Summer Time ee magaalada Hargeysa, waxaanay dhammaantood sheegeen in arrintaas dib loogu noqdo. Marwo Khadra Faarax, ayaa sheegtay in awoodda laga dhimay guddoomiye-ku-xigeennadu ay saamayn ku yeelanayso Gobolka Sanaag, maadaama uu ka soo jeedo Guddoomiye-ku- “Waxaannu cabaaraynaynaa tallaabadii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu kula kacay Gudoomiye-ku-xigeenka 1aad ee uu kursigiisa hoosta ugu dhigay. Waxa aannu leenahay haddaanu nahay bulashaddaa arrinkaas waa khalad, “Ayey tidi Khadra Faarax. Cibaado Diiriye oo ka mid ah haweenka ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa tilmaantay in xaquuqdii siyaasiga ahayd ee Somaliland bulshada Sool ku lahayd laga tirtiraayo, sidaa darteedna arrinkaas ay ka soo horjeedaan, loona baahan yahay in il gaar ah lagu eego, waxna laga qabto, waxaanay tidhi; “Waxaanu ku doodaynaa xuquuqda aanu ku leenagay Somaliland, talaabad uu qaaday Guddoomiyaha Golah Wakiilladu maaha mid aannu filaynay, annagu waxaannu u haysanay, waxaanu ugu baaqaynaa somaliland in maanta naloo kale caddeeyo inaannu nahay somaliland iyo inaanaan ahayn .” Ruqiya Cali, ayaa xustay in ay bulshadoodu ka aradan tahay baahiyaha aasaasiga ah, gaar ahaan waxbarashada, caafimaadka, iyadoo intaa ku dartay in siyaasaddiina aan meel fiican laga siin shacabka Gobollada Sool iyo Sanaag Bari

COMMENTS
LINKS