Hargaysa Oo Maanta Laga Bilaabay Wareegii Labaad Ee Baadhista Xabaalo Wadareedyadii Xasuuqii Ay Gaysteen Ciidamadii Siyaad Barre. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hargaysa Oo Maanta Laga Bilaabay Wareegii Labaad Ee Baadhista Xabaalo Wadareedyadii Xasuuqii Ay Gaysteen Ciidamadii Siyaad Barre.
February 10, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA WAJAALENEWS Wareegan Labaad Ee Lagu Daah Furayo Baadhitaanka Xasuuqii Dalka Ka Dhacay Dhamaadkii Sideetameeyadii Ee Qarnigii Ina Dhaafay Oo Ay Goobjoog Ka Ahaayeen Khubaro Ajaanib Ah.

Hargaysa(wjn):- Wasiirada Wasaaradaha Shaqada Iyo Cadaaladda Ee JSL Ayaa Maanta Ka Qayb Galay Wareegii Labaad Ee Baadhista Xabaalo Wadareedyada Qabuuraha Badhka Ee Xaafadda Maxamuud Haybe Ee Caasimadda Hargaysa.

Wareegan Labaad Ee Lagu  Daah Furayo  Baadhitaanka Xasuuqii Dalka Ka Dhacay Dhamaadkii Sideetameeyadii Ee Qarnigii Ina Dhaafay  Oo Ay Goobjoog Ka Ahaayeen Khubaro Ajaanib Ah Oo Ka Tirsan Dhkhaatiirta Caalamiga Ah Ee  IBAF Oo Ah Khubaro Ku Takhasusay Baadhitaanada Xasuuqyada Iyo Xabaaalo Wadareedyada Ayaa Waxaa Warbixin Ka Jeediyey Gudoomiyaha Gudida Baadhista Xasuuqa Md Khaddar Axmed Like Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Geeddi Socodka Baadhitaanada Joogtada Ah Ee Lagu Hayo Xabaalo Wadareedyada Ku Yaalla Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa  Kuwaas Oo Ay Ku Jiraan Dadkii Ay

Xasuuqa Arxandarada Ah Ku Sameeyeen Milaterigii Dawladii Siyaad Barre.Md Khadar Waxa Uu Sheegay In Guddi Ahaan Ay Hayaan Caddaymo Ay Ka Heleen Baadhitaanadoodii Ay Wadeen Mudadii La Soo Dhaafay, Isagoo Intaa Ku Daray In Xasuuqii Dhacay Uu Ahaa Mid Lagu Waxyeeleeyey Shacabweynaha Ka Soo Jeeda Dalkan JSL Kuwaasoo Si Gaar Ah Loo Bartilmaameedsaday.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Ee JSL Engineer Xuseen Axmed Caydiid Oo Halkaasi Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Xasuuqii Ka Dhacay Dalkani Uu Yahay Mid Aan Shakki Ku Jirin Isagoo Ugu Baaqay Bulshada Somaliland Inay Si Wada Jir Ah U Badhi-Taaraan   Dadaalada Lagu Cadaynayo Xasuuqaasi.

Engineer Xuseen Axmed Caydiid Waxa Uu Sheegay In Khubaradan Shisheeyaha Ahi Dalka U Yimaadeen Sidii Ay Warbixino Dhamaystiran Uga Samayn Lahaayeen Xasuuqii Xiligaa Dhacay Iyagoo Hawlo Kuwan La Mid Ahna Hore Uga Soo Fuliyey Dalalka Yuguslavia Iyo Combodia.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Ee JSL Md Maxamuud Axmed Barre (Garaad) Oo Kulankaasi Ka Hadlay Waxa Uu Sheegay Inuu Goobjoog U Ahaa Xiligii Xasuuqyada Qaarkood Ka Dhacayeen Wadanka, Xasuuqaasina Uu Ahaa Mid Bartilmaameedyo Gaar Lala Beegsanayey, Loona Baahan Yahay In Laga Xisaabtamo Dhibaatadaa Bani’aadanimo Ee Ay Gaysteen Milaterigii Dawladii Siyaad Barre.

Culimada Waaweyn Ee Somaliland Qaarkood Oo Kulanka Soo Xaadiray Ayaa Ugu Dambayntii U Duceeyey Dadka Ku Jira Xabaalo Wadareedyada Ku Yaalla Caasimadda Somaliland Ee Hargaysa

HARGEISA OFFICE

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS