Hanti-dhawraha oo Dawladda Hoose ka kaxaystay sarkaalkii kala wareejinta Dhulka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hanti-dhawraha oo Dawladda Hoose ka kaxaystay sarkaalkii kala wareejinta Dhulka
February 13, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS Hanti-dhawrka guud ee qaranka ayaa shalay xafiiskiisa ka kaxaystay sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska kala wareejinta dhulka, kaasoo aanu hanta-dhawrku sheegin danbiga loo haysto.Dad goob joog ka ahaa dhacdada Hanti-dhawrku shalay ku galay Xafiiska kala wareejinta Dhulka ayaa sheegay in sarkaalka u kaxaystay oo la yidhaahdo Naasir uu kala baxay xafiiska meel uu geeyeyna aan la garanayn.Goob-joogaha dhacdadaasi ayaa sheegay in aanay masuuliyiinta Dawladda Hoose waxba kala socon talaabad uu Hanti-dhawrku ka fuliyey xafiiskooda, waxaanu sheegay goor danbe in ay ku anbabareen oo ay ka daba tageen sarkaalkaasi laga kaxaystay.Lama oga Hanti-dhawrku in uu baadhis rasmi ah ku samaynayo dawladda Hoose ee hargeysa oo dadweynuhu ka muujiyaan cabashooyin badan iyo in uu ku eekaan doono oo kali ah xafiiska cashuuraha kala wareejinta Dhulka oo dakhli badan oo soo gala la tuhunsan yahay qaabka loo maamulo. Illaa hada lama oga in Hanti-dhawruhu soo daayey masuulka uu kaxaystay iyo in uu baadhis ku wado, hase yeeshee waxa la filayaa gurmadkii Madaxda Dawladda Hoose in ay wax badan furdaamin doonaan haddii uu ku sii dhaganaado

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS