GUDOOMIYAHA JAMACADDA ALPHA EE ETHIOPIA OO SOO GAADHAY SOMALILAND | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
GUDOOMIYAHA JAMACADDA ALPHA EE ETHIOPIA OO SOO GAADHAY SOMALILAND
February 22, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS) Madaxwaynaha Jamacadda ALPHA university College ee dalka Ethiopia Dr. Heileselesia Welde Gerima, ayaa maanta soo gaadhay casimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana si wayn loogu soo dhaweeyay madaarka Egal International Airport ee Magaladda Hargeysa, Madaxwaynaha ayaa markii uu yimid madaar hargeysa waxa soo dhaweeyay Madaxwaynaha jamacadda ALPHA University College ee Hargeysa Pro. Cabdirahman Mohamed Maal iyo iyo Hurmuudka kuliyadda kala duwan ee jamacadda alpha.

 

Madaxwaynaha jamacadda ALPHA ee dalka Ethiopia iyo madaxwaynaha jamcadda alpha ee Somaliland ayaa si wada jira ula hadlay bahda saxaafadda intii ay ku sugnaayeen qolka nasashadda ee madaarka, Dr. Heileselesia wuxuu u mahad celiyay soo dhawaynta uu u fidiyay dhigiisa Pro. Cabdirahman Mohamed maal, wuxuuna sheegay in inta uu joogo uu la kulmidoono ardayda jamcadda alpha iyo bahda waxbarashadda Somaliland, isla markaana booqashadiisu ay qaadan doonto sadex cisho, waxa isaguna si diiran u soo dhaweeyay Cabdirahman Mohamed Maal oo ah madaxwaynaha jamacadda ALPHA faraceeda Hargeysa, wuxuuna sheegay in imatinka madaxwaynuhu ay tahay mid sanadleh ah oo masuuliyiinta ugu saraysa Jamacadda ALPHA ay ku yimaadaan dalka Somaliland, wuxuuna yidhi, mudane Madaxwayne ku soo dhawaw Somaliland, gaar ahaan casimadda, aad ayaanu kuugu mahad naqaynaa inaad booqasho ku timaado. Wuxuuna sheegay in wafuuda ay iswaydaarsanayaan la xidhiidho sidii loo wanaajin lahaa isla markaan loo xoojin lahaa xidhiidh tayadda waxbarasho ee ay u qabtaan bulshada dalalka Ethiopia iyo Somaliland iyo guud ahaanba gayiga geeska Africa, wuxuu sheegay in mudadda uu joogo uu la khudbad u jeedin doono ardayda jamcadda ALPHA University College ee Hargeysa isla markaana uu ka qayb gali doono shir lagaga hadlaayo deginta, nidaaminta, iyo tayaynta waxbarasho.

 

Ka dib markii ay mudo ku nasteen waxa madaxwaynaha jamcadda ALPHA ee Dalka Ethiopia iyo Madaxwaynaha Jamacadda ALPHA ee Hargeysa ay u socdaaleen Hotelka maansoor ee magaladda hargeysa oo la dejiyay.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS