Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Dhimay Gudiga Joogtada ee Golaha wakiilada,Muxuuse u cuskadey! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Dhimay Gudiga Joogtada ee Golaha wakiilada,Muxuuse u cuskadey!
February 8, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro ayaa saaka soo saarey wareegto uu ku dhimaayo Gudigaa Joogtada ee Golaha Wakiilada oo tiradoodu ahayd 17 balse xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada ee dhawaan la ansixiyey Jideeyay in tirada gudiga Jogtada ee golaha wakiiladu noqoto 13 Xildhibaan.

Taas darteed xubnaha Gudiga oo ka koobnaa 17 Xidlhibaan ayaa laga saaray 4 Xildhibaan kuwaas oo lagu kala daray gudiyo kale oo ka tirsan isla golaha,waxaana hadda laga bilaabo tirade gudiga joogtada ah ee golaha wakiiladu noqotay 13 Xildhibaan sida xeer-hoosaadku dhigaayo.

golgolha

Magacyada Afarta Xildhibaan ee laga bedelay ama laga saaray Gudiga joogtada ah ee wakiilada:-

1-Xildhibaan Ibraahin Caraale Ruush

2-Xildhibaan Cali Mxamed Adan (Cali Barre)

3-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye

4-Xildhibaan Cabdillaahi Xuseen Cige (Balaaki)

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS