Gudida Turxaan Bixinta Ee xusbiga Kulmiye oo Soo Afjaray Khilaafkii Kulmiye Iyo Go,aamo Ay Soo Saareen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudida Turxaan Bixinta Ee xusbiga Kulmiye oo Soo Afjaray Khilaafkii Kulmiye Iyo Go,aamo Ay Soo Saareen
February 22, 2014 - Written by Editor:

JAMUURIYADA SOMALILAND

 

Date: 22-02-2014

KU: GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE

KU: MADAXWEYNE KUXIGEENKA JSL

OG: MADAXWEYNAHA JSL

 

Uj:Go’aamada gudida turxaan bixinta xisbiga kulmiye.

 

HARGEISA( WAJAALENEWS)Mudanayaal, sida aad la socotaan waxaa madaxweynaha JSL u magacaabay gudi turxaan bixin khilaafka  soo kala dhex galay madaxda sare ee xisbiga Kulmiye kaas oo saamayn ku yeeshay qabsoomida shirweynaha sadexaad ee xisbiga Kulmiye. Gudidaas oo ka koobnayd toban xubnood waxay si mug iyo miisaan leh  uga hawl gashay shaqadii loo igmaday. Gudidu si ay u daristo baaxada khilaafka iyo waxa lagu kala cabanayo waxay kulamo gooni gooni ah la yeelatay dhinacyadii wax kala tirsanayey iyadoo dhinacwalba la yeelatay sadex kulan oo gaar ah. Si  khilaafka loo fududeeyo waxay gudidu kulamo shakhsi shakhi ah la yeelatay xubnaha xisbiga ee kala cabanayey kaas oo ay u kala dab qaadaysay (shuttle diplomacy). Kulamadaas gaar gaarka ah ka dib waxay gudigu si toos ah isu soo hor fadhiisiyey dhinacyadii wax kala tirsanayey kuwaas oo dhinac waliba ku soo bandhigay wixii uu tirsaanayey si furan oo saraaxad leh.

 

Hadaba gudigu iyada oo tixgelinaysa wada jirka xisbiga kana duulaysa sidii shirwaynaha xisbigu ugu qabsoomi lahaa wakhtigii loo cayimay iyadoo dhammaan xisbigu mid yahy. Gudidu markii ay dhagaysay doodihii dhinacyada isla markaana ay si baaxadleh u deristay nuxurka khilaafku ku salaysan yahay waxay soo saartay go’aamadan:-

  1. Waxaa awooda qaban qaabada iyo diyaarinta shirka iska  leh gudida qabanqaabada shirweynaha, waxaana gudidaas musdanbeed u noqonaya hogaanka xisbiga.
  2. Iyada oo raacayo dastuurka xisbiga waxay gudiga fulintu ansixinaysaa afarta xubnood ee lagu soo daray gudida qabanqaabada,
  3. Hadii loo baahdo waxka bedelka dastuurka xisbiga waxaa awooda diyaarinta waxka bedelka yeelanaya gudida fulinta, waxaana soo jeedintooda ay u gudbinayaan gudida qabanqaabada oo iyana u gudbin doonta shirweynaha.
  4. Iyada oo la dhawrayo wada jirka xisbiga waxay gudidu go’aamisay in dhammaan xubnaha hogaanka oo kala ah gudoomiyaha, afartiisa kuxigeen iyo xogahaya guud sidooda loo daayo oo aan cidi kula tartamin isla markaana shirweynaha dib loogu soo doorto si loo mariyo sharciyada
  5. In Cabdicasiis Maxamed Samaale uu ka mid noqdo gudida fulinta  ee xisbiga.
  6. gudida fulinta ee cusub waxaa soo magacaabaya  hogaanka  xisbiga oo wada jira , waxaanay  kala tashanayaan  Madaxwaynaha  JSL.
  7. Saddexda urur ee kala ah  Dalsan  , Damal iyo Umadda waa in la siidaayo  liisaska xubnaha  Golayaashooda dhexe si ay uga qayb galaan shirwaynaha xisbiga ee soo socda .
  8. Sida uu dhigayo sharciga xisbigu  Ergooyinka shirwaynuhu  waxay ka imanayaan  gobolada  iyo degmooyinka , waxaana soo xulaya  madaxda  xisbiga  ee degmooyinka iyo Gobolada iyo  masuuliyiinta heer qaran ee  xisbiga u  matalaya  gobolada iyo degmooyinka .
  9. Soo xulista xubnaha golaha dhexe  ee lagu  dooran doono  shirwaynaha waxaa lagu soo xulayaa  sida ku cad qodobka  sideedaad.
No: Magaca Saxeexa
1 Wasiirka Arrimaha Dibada   (Gudoomiye )  
2 Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga  (G-Xigeen)  
3 Xil.Cali Xasan Maxamed   (Xoghaye )  
4 Wasiirka Duulista Iyo Hawada  
5 Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare (Xubin )  
6 Wasiirka Diinta iyo Awqaafta  (xubin)  
7 Maareeyaha Haayada Abaabul ka saarka  Qaranka iyo Dib u Jihaynta      (xubin)  
8 Xil.Maxamed  Axmed  Obsiye (xubin)  
9 Xil.C/rahmaan Abubakar Good  (xubin)  
10 C/laahi Jaamac Geel jire  (Xubin)  
  1. Gudida turxaanbixinta  khilaafka  xisbigu  waxay   dusha kala soconayaan fulinta go’aamada  ilaa inta shirku qabsoomayo.

 

Magacyada  Guddida Turxaan bixinta

 

 

COMMENTS
LINKS