|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudida Qaadhaan Ururinta Jidka Togdheer – Sanaag oo soo bandhigay,Qalab.Kharash Wixii Soo gaadhay
February 23, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews) Xaflad balaadhan oo habeenkii xalay ahaa lagu qabtay magaalada hargeisa Gaar ahaan xarunta Hay’adda waddoonka Somaliland ee magaalada Hargeysa.Xafladan oo Lagu Soo Bandhigay Xaddiga Lacagta Qaadhaanka Waddada Ceerigaabo loo hayo laguna dhaqaajin doono wejiga koowaad ee wadada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha. Waxaa halkaasi isugu yimid Masuuliyiin xukuumadda ka socda iyo boqolaal Marti sharaf ah, oo ka soo qayb galay munaasibadan oo ahayd mid jawiga iyo bilicda ka muuqatay ahayd uun mid waxqabad iyo horumarineed Ugu horayn waxaa goobta ka hadlay maareeyaha wakaaladda horumarinta waddoyinka Proff Xassan Cali Cismaan oo sharxay halka ay marinayaan hawl galka waddooyinka kala duwan ee dalka ka socoda isagoo ku tilmaamay in dhamaantoon si guul ah qaarna ku gabogaboobeen qaarna meel fiican marinayaan isagoo hoosta ka xariiqay in si siman looga wada hawl geli doono waddooyinka kala duwan ee dalkaDhanka kale waxaa goobta hadalo guubaabo iyo dhiirigelin ah ka jeediyey gudiyada kala duwan ee waddooyinka dalka ka socda iyagoo dhamaantood xukuumada uuga mahadceliyey gacanta buuxda ee ay xukuumadu marwalba la barbar istaagto hawlaha ay ku jiraan.Munaasabadan oo u daarnayd xogwaranka waddooyinka dalka oo dhan iyo gaar ahaan bandhiga qalab iyo qarash wixii soo gaadhay gudida qaadhaan ururinta waddada isku xidhi doonta Togdheer – Sanaag. Ayaa lagu soo bandhigay qoraalo “Presentations” lagu soo bandhigayo goortii la dhagax dhigay jidka Ceerigaabo iyo talaabooyinkii kala duwanaa ee ay soo martayWaxaa si hufan loo soo bandhigay talaabooyinkii kala duwaanaa ee xukuumadu u qaaday hirgalinta jidkan iyadoo loo kala saaray 3 talaabo.1- Xukuumada oo balan qaaday in ay gacan ka gaysato jidkan , taasoo si cad looga arki karo afarta milyan ee ay miisaniyada ay uugu dartay2- Qalab loogu talo galay hirgalinta jidkan oo loo soo iibshay , kuwaasoo si cad uuga muuqday goobtii xafladu ka dhacaysay3- Qaadhaan loo bandhigay in ay ka qayb qaataan bulshada qaybaheeda kala duwan , kuwaasoo account-s cad lagu xafido , iyadoo mid walba la soo bandhigay intii soo gaadhay iyo nidaamka cad ee loo dajiyey ilaalinteedaUgu dambayntii wasiirka Madaxtooyada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha gudida qaadhaan ururinta Mudan Xirsi Cali Xaaji Xasan oo goobta ka hadlay ayaa bulshada u iftiimiyey sida ay xukuumada uuga go’an tahay in ay marwalba isbarbar taagto cid walba oo wax qabsanaysa isagoo sheegay in ay marwalba caawintooda ku salayn doonaan hadba diyaargarowga ka muuqda bulshada wax qabasanaysaWuxuuna bulshada uugu bushaareeyey in qalab, qarash, iyo qaadhaan wixii soo gaadhay ay xafidan yihiin isla markaana lagu fulin doono hawshii loogu talo galayIsku soo wada duubo xafladan ayaa ku dhamaatay jawi kalsooni iyo farxad badan ka muuqatoHARGEISA OFFICE WAJAALENEWS DESK EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:Taliska Ciidamada Maraykanka Ee Africom Oo ka Hadlay Duqaymo Ay Beegsadeen Daacishta Ku Sugan Puntla... Cuqaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Gabiley Oo Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ku Eedeeyay In Uu Awood Sheega... Xaalada Cisbitaalka Magaalada Gabiley Oo Laga Dayrinayo Iyo Bulshada Oo Khaati Ka Taagan Lacago Xad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|