Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Oo Ka Hor-yimid Odayeyntii Xaaji Cabdi iyo muj cabdiraxmaan tolwaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Oo Ka Hor-yimid Odayeyntii Xaaji Cabdi iyo muj cabdiraxmaan tolwaa
February 10, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS Ergo Is Xilqaantay ayaa ku guulaysatay in ay Golaha Wakiilada Somaliland ku qanciyaan in Muddo todobaad ah dib loo dhigo fadhiyadii ay Lahaayeen Golaha Wakiilada Somaliland.

Ergadan dhexdhexaadinta Waday oo kala ahaa Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee Somaliland ay yeelato Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Cabdikariin Xaaji Xuseen iyo waliba Haldoorka Bulshada Reer Somaliland.

Fadhiga Saaka oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa uu hadal kooban oo uu halkaasi ka soo jeediyay uu ku yidhi “Waxa aynu u balansanayn Mooshinadii la soo

gudbiyay iyo  waliba taladii Sharciyaqaanka, laakiin sida aad aragtaan golaha wakiilada waxa inala fadhiya Marti.Martidan waxa ka mid ah madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Odayga ugu da’da weyn Cabdikariin Xaaji Cabdi Xuseen, waxaanay inaga codsadeen in aynu fadhiyadeena u hakino muddo todobaad ah, fadhigiina sidaas ayuu inoogu xidhan yahay” ayuu yidhi.

Hadal kooban oo uu halkaasi ka soo jeediyay Oday Cabdikariin Xaaji Xuseen Cabdi Waraabe, waxaanu yidhi

Waxa aanu garanay in saddexdaas nin ee walaalo ah aanu codsi u gudbino wayn naga aqbaleen, si aynu dhamayno wixii khilaaf ah, Goluhuna uu todoba cisho oo fasax ah galo” ayuu yidhi.

Geesta kale Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa dalabkaasi gaashaanka ku dhuftay, waxaanu sheegay in aan la isku ogeyn, Golaha inta la fekerka ahina ay ka tashan doonaan, waxaanu yidhi

Waxa weeye anagu dee balan ayaanu lahayn, waxa aan u tagay guddoomiyaha golaha wakiilada oo aan ku idhi waa in golaha wakiilada la soo hordhigaa mooshinadii, sidii ayaanu isku ogayn, laakiin arrintan Golaha Guurtida maanaan ogayn, mana ogolin.

Baashe oo la waydiiyay waxa halka uu ka dhaafayo codsiga Golaha Guurtida iyo ergada dhexdhexaadinta “Arrintaasi Golaha ayay u taala, hadii ay yeelayaan iyo hadii kaleba, waanan ka tashan doonaa” ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS