Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Gudi Ka Socota Golaha gurtida U Saaray Dilkii Ka Dhacay Degmada Xaaji Saalax. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Gudi Ka Socota Golaha gurtida U Saaray Dilkii Ka Dhacay Degmada Xaaji Saalax.
February 26, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(WAJAALENEWS) .Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Gudi Ka Socota Golaha gurtida U Saaray Dilkii Ka Dhacay Degmada Xaaji Saalax.

Haragasay(WJN)Gudoomiyaha golaha guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxaa uu manta  uu ka hadalay arintii ka dhacaday degamada xaaji salax  ee habeen hore lagu dilay  talayahii ciidamada bilayska degamada X. Salax ee gobalka Daad Madheedh

Isla markana waxaa  uu sheegay gudoomiyahu uu sheegay in arinta  halkaas ka dhacay  ay tahay arin aad khatar u ah in badan ay soo noq noqotay isla markaana ay golaha guurtidu gurmad ka gali doonto arintaas oo ay sida ugu dhakhsa badan uguna  wanaagsan ay arintaas u gali doonto iskuna dayi doonto in ay soo afjarto arintaas oo marar badan soo lab laabatay

Waxan uu gudoomiyahu uu u sheegay xildhibanda golaha guurtida kuna  war galiyey una  in u

magacaabi doono guddi ka socta golaha guurtida oo sida ugu  dhakhsaha badan u baxi doonta kana  hawl gali doonta sidii ay arintaas u so afjari lahaydHadaba waxaa uu gudoomiye saleebaan uu magacabay guddi u anaba baxi doonta xalinta arintaas waxayana ay kala yahiin :-

1 Xill.Suldaan Ismaciil Suldaan Cabdiraxamaan (Gudoomiye)

2  Cabdinasir Cabdilahi Beegsi (Xogahaye)

3 Xill. muuse ibraahim awnuur jiciir

4 Xill.cabdilahi ibarahim xirsi

5 Xill. Axmed Muuse Obsiiye

6 Xill.Cabdilahi Maxamed Xaaji Huruso

7 Xill.Xirsi Ciise Jamac

8. Xill. Axmed Wabari Maydhan

9  Xill.Diini Cabdilahi Hande

 

Waxaa  la filayaa in gudidan oo u anba baxi doonta xalinta iyo dhameenta arinta ka dhacaday degmada X.salaax ee lagu dilay  talyihii degamadaas sababo la xidhiidha Aano qabiil oo ka dhaxay beelaha  wada dega degaankaas ay malinka bari ah  ka anaba baxi doonta magalada haragasya

yadoo ay hore ay u jirteen wafatiyo ka tirsan xukuumada iyo odayaal dhaqeemku ka anaba baxay haragsaya iy burco oo u anba baxay xalintaa arintas

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS