|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddida qiimaynta iyo Dardargelinta Dib u habaynta Shaqaalaha Dawladda Oo Shir Kaga Qaybgalay Adis,Ababa
February 13, 2014 - Written by Editor:HARGEISA WAJAALENEWS Wafti ka kooban Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Wasiiru-dawlaha waxbarashada iyo tacliinta sare, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka, Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada iyoTacliinta Sare, Agaasimaha Madaxtooyada JSL, Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Maamul Wanaagga ahna ku simaha Guddoomiyaha Guud.
MaxadkaTababarka Shaqaalaha, agaasimeyaasha waaxaha Qorshaynta ee wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga, iyo madaxa barnaamijka dib u habaynta maaliyadda dawladda ayaa shir ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia. shirkaas oo ay kala soo qaybgaleen madax ka socota hay’adda horrumarinta ee Ingriiska (DFID), Bangiga Aduunka, Midowga Yurub, hay’adda Barnaamijyada horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP), khubaro ka socda Machadka Caalamiga ah ee Maamulka Dawladda Ingriiska, iyo la-taliyaha Wasiirka Qorshaynta oo iyagu lahaa haggidda shirka. waxana Shirkan Abaabulkiisa lahaa hay’adda Horumarinta ee Ingriiska (DFID), ujeedadiisuna waxay ahayd sidii loo dardargelin lahaa dib u habaynta shaqaalaha dawladda. Shirka oo socdey saddex maalmood 10-12 ka bishan waxaa dood badan laga galay sidii loo dardargelin lahaa tayeynta shaqaalaha hay’adaha dawladda, waxaana laysla qaatay qodobadan:-
1. In guddidii madaxweynuhu hore ugu magacaabay dib u habaynta shaqaalaha dawladda loo sameeyo xoghayn fulisa hawl maalmeedka guddida. 2. In la sameeyo guddi guud oo xidhiidhisa barnaamijyada dib u habayneed ee ka socda qaybaha kala duwan ee hay’adaha dawladda. 3. In la fuliyo xeerka shaqaalaha dawladda god-daloolooyinka uu leeyahayna dib u eegis lagu sameeyo. Dib u habayntaa oo hay’adda shaqaaluhu soo curin-doonto. 4. In muddada lagu jiro dib u eegista xeerkana, xeer madaxweyne lagu sii daboolo god-doloolooyinkiisa. 5. In tababar loo sameeyo shaqaalaha dawladda, madax iyo minjaba, arrinkaas oo loo xilsaaray maxadkaTababarka Shaqaalaha dawlada 6. In la sameeyo Guddi ku meelgaadh ah oo loo xilsaaray meelmarinta go’aamadii ka soo baxay shirkan
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com
Related posts:Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Oo Ka Hor-yimid Odayeyntii Xaaji Cabdi iyo muj ca... Ciidamada Ammaanka Sucuudiga Oo Xaramka Ka Dhex Caydhsanaya Dadka Aan Ogolaanshaha Ku Soo Galin Daaw... Jimicsigu Wuxuu Kaalin weyn Kaga Jiraa La Dagaalanka Balwadaha Iyo Helitaanka Caqli Wanaagsan. Wasii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|