Gu-Kuxigeenka Kowaad Ee Xisbiga WADDANI-Oo-Si-Kulul-Uga-Hadlay Xadhigii Xukuumadu Kula Kacday Masuul-Ka-Tirsan-Xisbiga-WADDANI | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gu-Kuxigeenka Kowaad Ee Xisbiga WADDANI-Oo-Si-Kulul-Uga-Hadlay Xadhigii Xukuumadu Kula Kacday Masuul-Ka-Tirsan-Xisbiga-WADDANI
February 13, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga  Mucaaradka ah ee WADANI Axmed Muumin Seed  ayaa si kulul  u dhaliilay xadhigii dhawaan xukuumada siilaanyo kula kacday  madax dhaqameedkii Talo iyo Tawfiiq iyo sida oo kale xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xasan Ahmed Muuse(Xasan Goodaad ), oo habeen hore Gurigiisa ay Ciidamada ka hortaga Rabshadaha ee RRU  kala baxeen,balse ah Ciidamo loo adeegsado dadka Shacabka ah.

Axmed Muumin Seed oo Warbaahinta Lahadlaayey ayaa waxaa uu sheegay in Xukumada Madaxweyne Siilaanyo mudooyinkii udanbeyey ay dhaqan kadhigatey xadhiga dadka Bir-mageydada ah, waxaana uu sida oo kale uu daboolka ka qaaday in Ciidamada Amaanka iyo Masuuliyiinta Wasaarada Arimaha Guduhu dafiraan dadka ay soo xidhaan, marka aad way diisa baa uu yidhi waxa lagu haysto ama cida soo xidhay.

Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad oo Arimahani ka hadlaayana waxa hadaladiisii ka mid ahaa”…. Xukuumdan maanta jirta ee Siilaanyo Madaxweynaha ka yahay waxaa ay Baryahan danbe ,Maalmahan u danbeeyey lasoo baxday inay xadhig kula kacdo dadka bir Magaydada ee Oday Dhaqameedkaa, sidaad hore u ogaydeena maalin dhawayto waxaa laxidhay Gudoomiyihii iyo Kuxigeenkii Talo Iyo Tawfiiq, sidaad maanta warka ku haysaan, maanta waxaa xidhan Xasan Ahmed Muuse (Xasan Goodaad) oo ah Xoghaya Xanaada Xoolaha ee Xisbiga WADDANI….”

Waxaa uu sida oo kale uu sheegay in dadkan la xidhay ay isku dhinac ka soo jeedan marka la  ee gaayo haybtooda “…..waxay kasoo wada jeedaan isla Beel  kaliya oo ah Beelaha dagan Dalkeena Hooyo ee Somaliland , waxaan lee yahay taasi  waa nasiib daro,Xukuumdana ceebey ku tahay ,Qaranimda Somalilandna ceebay ku tahay in Oday Dhaqameeka iyo Siyaasiyiinta Beel Qudha kasoo wada jeeda ay target ka dhigato….” Ayaa uu yidhi mr: Seed

Ugu danbayntii waxaa uu ugu baaqay Xukuumada uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaaanyo inay sidag daga ah ay Xoriyada u siiso Xoghayaha Xanaada Xoolaha ee Xisbiga Mucaaradkaa ee WADDANI, sida oo kale midayso Beelaha daga Somalailand, kana dayso Dadka Xadhiga  iyo Hanjabaaadaha  ay kuhayso, waxaana uu tilmaamay inay tahay sababtii ay Xukumadii Somalia la odhan jirrey ubaaba’day  waxaana hadaladii sii markale ka mid ahaa ”…waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadu inay si dag-dag ah ay xoriyadiisii ay usiiso Xoghaya Xanaadanada xoolaha ee Xisbiga oo Habeen hore Gurigiisii lagala baxay, taasi oo markaad Ciidanka Amniga iyo Arimaha Gudaha iyo cidkastoo ay laxidhiidho markaad waydiisa ku odhanaya mid  waliba anigu waxba kama ogin markaa marka qof la soo xidho ee  Ciidamada Amnigu yidhaahdaan waxba kama ogin, ee wasiirka arimaha guduhuna yidhaa waxba kama ogi  waayo cidan Dalka ka Talinaysa ee wax soo xidhaysaa…”

Xadhigan Madax Dhaqameedka ay Xukuumadu ku sababaysay iney ka hortagayeen Mudaharaad ay sheegeen inay abaabulayeen balse Xadhiga Odayaashaasi loogaystay ayaa  Xukuumadu kameermeertay inay sheegto cida soo xidhay ,waxana uu xoghayahani noqonayaa  ki sadexaad ee inti todobaadkan lagu guda jirey ay xukuumadani xidh iyada oo xadhigiisana aanay ilaa hada qaranka,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS