Ethiopia oo Beenisay Afduubka Saraakiil ka Tirsan ONLF | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ethiopia oo Beenisay Afduubka Saraakiil ka Tirsan ONLF
February 1, 2014 - Written by Editor:
JIGJIGA WAJAALENEWS ;Sarkaal sare oo ka tirsan Dawlad Degaamka Soomaalida ee Itoobiya ayaa beeniyey in laba sarkaal oo sare oo ka tirsan ONLF laga afduubay magaalaada Nayroobi toddobaadkii hore sida ay sheegeen ururka ONLF.

Cabdinuur Cabdullaahi Faarax “Cabdinuur Yare” oo ah La-taliyaha Dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Dawlad Degaanka Soomaalida, ayaa VOAda u sheegay in labadaasi sarkaal ay “Nabad-qaateen” sida uu hadalka u dhigay, haatanna iyaga oo bad-qaba ay ku sugan yihiin Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.dhawaana iyagaa hadlaya wayo waxay qateen nabad wayhadlayaa caalamka oo dhanna waalaga daawan doonaa,waxayna ku jiraan wadahadalo ,

heshiiska iyo nabada ay qaateen waxayna ogaadeen in aan ayna shaqaynay ubo wayana baaba,een wadahadaladanu waysocdaan qaarkale ayaana soosocda wiigana way hadlayaan

 

 
Labada nin ayaa kala ah Cali Axmed Xuseen iyo Sulub Cabdi Axmed.
COMMENTS
LINKS