DULMIGAY WAKIILADU GALEEN, LOOMA DAADEGINE. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DULMIGAY WAKIILADU GALEEN, LOOMA DAADEGINE.
February 16, 2014 - Written by Wariye:

Oo degelka caymeed biyaha, laga dabaalsiiyey Oo diinle lagu foofiyoo, dirirku maansheeyey

GABAY   DISTOOR,

Doodiisa gabay waan aqiiq, deelka maansada,e

Dibnahayga waataan ka jaray, da,iyo wowgeede

Danigeedu goortuu bataan, daabaceed dhigaye

Dibso waxan u idhi oo murtida, deyrka uga boodey

Daalaa dhaceeday badsheen, reer dudumo maydhe

Maantana waxsoo daahiroo, diideybaa jira,e

Aanu digo digreetana uqoro, dabarna soo qaato

Afartaa madaran dooriyoo, deelmaka higaadshe

Madul dhigay jowaabaha murtida, daayinkay baraye

Dood kalena waw celinayaa, inay ku doogaane

Nimankaynu duubka’u xidhnaye, daarta wada saaray

Ee nidhi distoorkiyo sharciga, daacad ka ahaada

Waxay kala daleegeen firqado, aan ladaakhiline

Sidii geel dubaar laga raroo, doogna weli gaadhin

Oo dayrcadkiisiyo nirgaha, dununuc reemaaya

Oo kala dilaamoo haraad, kala dabayl raacay

Oo degelka caymeed biyaha, laga dabaalsiiyey

Oo diinle lagu foofiyoo, dirirku maansheeyey

Ama oday dayoobayoo tashigi,

daaha laga saaray

Oo taladi laga doorshayoo, daacada ilaawey

Dirham iyo markay kala gureen, doolariyo liire

Durduradi doraad waa waxay, duqa ku jiidheene

Afartaa madaran dooriyoo, deelmaka higaadshe

Madul dhigay jowaabaha murtida, daayinkay baraye

Dood kalena waw celinayaa, inay ku dooaane

Dulmigay wakiiladu galeen,looma daadegine

Niman yohow wax laga soo durkaa, dibugu guurteene

Ninku dila ka deexdaa markale, kaaga sii darane

Dakaharkaan dhayaayay markale, damaqkasiiyeene

Hadaydaan udaadegin sharciga, waydin daadegiye

Afartaa madaran dooriyoo, deelmaka higaadshe

Madul dhigay jowaabaha murtida, daayinkay baraye

Dood kalena waw celinayaa, inay ku dooaane

Daandaansi beenay sharciga, dabarki gooyeene

Durduray kumariyeen intay, daramal qaateene

Dulmigaynu shalay diidneybaa, loo diyaar yahaye

Degdegiyo fudayd waa wxii, dumiyey waagiiye

Doorkiyo waxgaradkeenu waa, inay dareemaane

Afartaa madaran dooriyoo, deelmaka higaadshe

Madul dhigay jowaabaha murtida, daayinkay baraye

Dood kalena waw celinayaa, inay ku doogaane

Soomaaliland waa dalqudha, oo diir walaala,ahe

Uma kala dirnaxo ruux yaqaan, diinta eebahaye

Inla kala danbeeyiyo sharcigu, waa daruuriba,e

Doonibaynu wada saaranee, danaha guud meeye

Dacaladatan sool iyo sanaag, yaan ladadafaynin

Dibu eega awdal iyo selel, duugu waa hadhiye

Afartaa madaran dooriyoo, deelmaka higaadshe

Madul dhigay jowaabaha murtida, daayinkay baraye

Dood kalena waw celinayaa, inay kudoogaane

Distoorkeenu waa kala xadidey, doodan maanta,ahe

Marhadaanu diintiyo sharciga, daaqadka asiibin

Oo lagu degdegey maandhow, waa duudsigaa jabaye

Duuduubku waa mooshin ay, kala dilaaleene

Hadanqaabin baashena mageyo, daafta uu dhigaye

Degdegna hawga laabteen markale, doodna yay celine

Dal qudhaynu wada leenahee, door ankaciyaaro

Tixdan  waxa layiraahdaa  DISTOOR, waxay curatay , feb/15/2014

Waa midhihii iyo murtidii iyo maskaxdii  abwaan  Haybe  A  Yuusuf,

COMMENTS
LINKS