|
|||||
WAJAALE NEWS
Dowladii Dhamayd Ma Daartii Wakiiladay Ka Dhamaan Wayday?
February 18, 2014 - Written by Wariye:Oo saylici dowlada miyaa ka saarteen ?Sowkan xildhibaanadii Kulmiye gurigiisa ku shirinaya.Hada boqol shaqo oo dadku idinka sugayaa dayacdeene la socda Dhaqane iyo dhaashane dhalin weeye magaallo.dhaqankoodu mid maaha .Dhaliil la iskama qaato .DHafoor taabasho weeye .Dhibtana la iskuma eego.daily way kaftamaan . Hadana la isma dhegaysto.Dhoohanaad tahay waalan iyo adaa dhoocil ka liita warkoodaa ku dhamaadee .Kaalayoo bal dhegeyso Dhaqane:Waar heedhe dowladii dhamayd ma daartii wakiiladay ka dhamaan weyday? Dhaashane:Waar adeer dowladu waxaa shaqo kuma leh. Dhaqane:Oo saylici dowlada miyaa ka saarteen ?Sowkan xildhibaanadii Kulmiye gurigiisa ku shirinaya.Hada boqol shaqo oo dadku idinka sugayaa dayacdeene la socda. Dhaashane:Waxaasi waa waxaa dadka ku akhridaan.Waar anaga dadku waxaabu nagu naanaysaa dowladii wax qabadka. Dhaqane:Sowkan madaxweynii Puntland Badhan ku soo socdeen cidiba yac ka lahayn.Sowkan madaxweyne ku xigeenkiisi Buuhoodle ku soo socdeen cidi yac ka lahayn.Sowtan dhalinyaradi shaqo la`aan ku go`day ,dhaqaalii wadankana laaluushka xildhibaanada lagu dhameeyeen cidi yac ka lahayn. Dhaashane:Sowtan anaguba aanu wadadii Wajaale dhamaynay een cidiba noo ogayn.Sowtaaanu tii Dowga cad hore u dhamaynay een cidi noo ogayn.Sowtan aanu tii Oodweyne wadnee cidi noo ogayn .Sowtan aanu tii Ceergaabo bilaabayneen cidi noo ogayn .Haye ma wadnaa? Dhaqane:Ma intaasaa ka xanaaqdeen?Hada weli maan sheegin inaa wadankii dhamaa ee amaanka ahaa markii la idiin dhiibay aa Xamar kala mid dhigteen oo Ingiriis iyo Maraykanba ka baxay.Waar Baashahan markii horeba is xambaarka ku yimi xildhibaanada Kulmiye iyagaa markii horena riday imikana leh ha la saaree,intaa waxaa iyo wax aan dhaamin sida cayda Feysal ali waraabe wakhtiga ku luminaysaan wadanka adeer wax u qabta. Dhaashane: Yaa is gaadhay ,weli maanagaa sankiiba caano idinka keenay. Dhaqane:Waar heedhe, waxa la yidhi berigii dowladii Siyaad barre ayaa waxa magaalada Hargeisa joogi jirtay islaan waalan oo la odhan jiray Xaliimo qaali. Waxay hor fadhiisan jirtay isteeshin Policeka Hargeisa .Isteeshinkana waxaa wajigiisa ku dhejisnaan jiray sawirka Siyaad barre .Islaantu markay sawirka siyaad barre eegto ayaa waxay aragtaa isgoo soo eegaya .Intay xamaamteeda urursato ayaa waxay u guurtaa meel kale.Markay saani u fadhiisato ayaa waxay eegtaa sawirkii Siyaad barre saa waa soo eegayaa weli.Markay toban goor hadba meel u guurtay ay aragtay kiiyo weli soo eegaya ayaa waxay tidhi;Siyaad barrow dowladaa dhan baa laguu diree ma xaliimo qaali baad ka dhamaan weyday.Imika dowladii wadanka dhan loo diray ma golihii wakiiladay ka dhamaan wayday? Waa qalinkii:Baxnaan xaaji aden COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|