Dowladda Somalia iyo Qaramada Midoobay oo heshiis kala saxiixday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Somalia iyo Qaramada Midoobay oo heshiis kala saxiixday
February 26, 2014 - Written by Editor:

MUQDISHO(Wajaalenews)Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya QM iyo dowladda Soomaaliya.
Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud, iyadoo heshiiskan uu u saxiixay dowladda Somalia wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle, halka QM uu u saxiixay dajire Nicholas Kay.“Waxaan u mahad-celinayaa guddigii ka kala socday QM iyo dowladda oo in muddo ahba kasoo shaqeynayay heshiiska oo ah mid sii xoojinaya xiriirka Soomaaliya iyo QM. Dowladdu waa ka go’an tahay dhaqan-gelinta heshiiskan waana saldhigga wada-shqeynta iyo gar-gaarka shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri: “Waxaan ugu baaqayaa hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgala Somalia inay hubiyaan in heshiiyadooda aysan dhacsanayn, isla markaana cusbooneysiiyaan haddii uu ka dhacay. Dhamaan heshisiyadu waa kuwo muhiim u ah wada shaqeynta iyo illaalinta danaha shacabka Soomaaliyeed.”
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Bayle ayaa isaguna sheegay in gar-yaqaannada labada dhinac ay si taxadar leh uga soo shaqeeyeen heshiiskan oo ah mid labada dhinacba ay ku wada qanacsan yihiin, isla markaana qeexaya waajibaadka iyo xuquuqaha labada dhinac.
Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay oo isna ka hadlay heshiiska ayaa ku tilmaamay mid dan u ah dalka Soomaaliya iyo Qaramada Midobay, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta la saxiixo heshiiskan.

 

MUWDISHO OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS