|
|||||
WAJAALE NEWS
Dowladda Japan oo Booliska Somalia qalab ku wareejisey
February 9, 2014 - Written by Editor:MUQDISHO WAJAALENEWS Wafdi ka socda dalka Japan ayaa maanta deeq qalab-xafiiseed u badan waxay ku wareejiyeen taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed. Wafdigan oo uu horkacayey safiirka Japan u jooga Soomaaliya Tasushi Taradi, islamarkaana uu qayb ka ahaa ku-xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Yunazawi Atsushi, ayaa xarunta dhexe ee booliska Soomaaliya waxay kulan kula qaateen taliyaha guud ee booliska C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) iyo saraakiil kale oo ka tirsan booliska Soomaaliya. Markii uu kulankaasi soo idlaaday, ayaa si wadajir ah waxaa saxaafadda ula hadlay Jen. C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) iyo dan-jiraha dowladda Japan u jooga dalka Soomaaliya Tasushi Tiradi. Jen. Saacid oo hadalka ku horreeyey, ayaa uga mahadceliyey dowladda Japan taageerada hagar la’aaneed ee ay siiso dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, wuxuu dhinaca kale tilmaamay in qalabka maanta lagu wareejiyey uu yahay mid si weyn baahi loogu qabay, wax weynna ka tari doona qalabeynta xafiisyada xarunta dhexe ee booliska Soomaaliyeed.
Tasushi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dowladda Japan ay sii joogteyn doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, maadaama ay Soomaaliya xilligan u baahan tahay taageero intii hore ka badan. Qalabka maanta lagu wareejiyey ciidamada booliska Soomaaliyeed oo ka kooban shan kunteenar, wuxuu u badan yahay qalabka xafiisyada sida: kuraas, miisas, kumbuyuutarro iyo weliba armaajooyin. Dowladda Japan oo kamid ah wadamada dunida ugu dhaqaalaha fiican, waxay sanadkii hore booliska Soomaaliyeed ugu deeqday qalab gaadiid u badan. MUQDISHO OFFICE WAJAALENEWS DESK EMAILwajalenews@gmail.com Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|