Dhex-dhexaad laga dhex waddo Beelihii ku dagaalamay Deeganka Kalshaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhex-dhexaad laga dhex waddo Beelihii ku dagaalamay Deeganka Kalshaale.
February 14, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS Gudida Beelaha Bariga Burco ee lagu soo doortay Gar adag oo ku sugan deegaanka Qorilugud isla markaana u tagay siday wax uga qabanlaaayeen nabadna ugu soo dabaali lahaayeen, shaqaaqo dhawaan sababatay hal qof oo dhimasho ah iyo hal qof oo dhaawac ah oo  k asoo jeeda  Beesha qorilougud, kadib markay Koox kasoo jeeda degaanka Buuhoodle ay soo weerareen koox geeljirayaal ah oo ku sugan degaanka kalshaale, ayaa ka warbixiyay halka ay marayso waanwaantii ay halkaas u tageen, iyagoo gudigu u mahadnaqay dhinaca dhibtu soo gaadhay.

Afahayeen Gudigaas Abokor Cumar Aadan Dibi oo oo khadka telefoonka aanu kula  xidhiidhnay ayaa hadlkiisii ku bilaabay

“wali hada laysma Hor fadhiisan laakiin waan waantii waanu wadnaa labada dhinacna xidhiidh bay leeyihiin,dhalintii dhinaca dhibtu soo gaadhayna hada odayaashii ayaa ka hawlgalay waanan u mahadnaqaynaa dhinacan wax yeeladu had soo gaadhay,waxaana laysla qaatay in aan inta waanwantu socoto inaan wax dhibaato ah la samayn oo xabadi aanay dhicin,dhinaca reer Buuhoodlena waanu balansanahay si dhakhso ah baanay wadahadaldu u bilaabmayaan

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS