Dhalinyaro Maayarka Gabiley Ku Eedeeyay Falal Argagixiso oo Bilaa Xukun Jeelka Loogu Dhaadhiciyay iyo Jawiga Magaalada Gabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhalinyaro Maayarka Gabiley Ku Eedeeyay Falal Argagixiso oo Bilaa Xukun Jeelka Loogu Dhaadhiciyay iyo Jawiga Magaalada Gabiley
February 2, 2014 - Written by Editor:

Gabiley (Wajaale News): Afar dhalinyar mutacalimiin reer Gabiley ah oo dhawaan  Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ku eedeeyay falal argagixiso ay ka wadeen gudaha magaalada Gabiley ayaa maanta maxkmada Gabiley lakeenay halkaasi oo la waayay eedii ay todobada maalmood u xidhnaayeen isla markaana loo dhaadhiciyay jeelka way nee magaalada Gabiley bilaa xukun. ayaa waxay kala ahaayeen 1.c/khadar cilmi lambar.2,muxuyadiin.muxumed.3cabdirashiid xamari,iyo sidiiq

 

Dhalinyartan ayaa todoba habeen u hoyday  saldhiga degmada Gabiley kadib markii maayarka degmada Gabiley usoo gudbiyay ciidanka danbi baadhista saldhiga kiiska lagu eedaynaya dhalinyarta xidhan oo ay sheegeen inuu yahay argagixiso, kadibna ciidanka danbi baadhista saldhigu ka codsadeen maayarka inuu soo raaciyo cadaymo lagu qanci karo, islma markaana maayarku u gudbiyay taliyaha ciidanka booliiska ee gobolka Gabiley.

Dhalinyartaasi oo aanu ku booqanay saldhiga dhexe ee magaalada Gabiley ayaanu waydiinay, waxa ay ka qabaan kiiska argagixisada ah ee lagusoo eedeeyay. C/khaddar Cilmi oo ka mid ah dhalinyarta mutacalimiinta ah ee xidhan ayaa isagoo su,aashaa ka jawaabaya waxa uu yidhi “Walaal waa caadi oo waa la na xidhi karaa, danbina waa na nagu tuhmi karaa laakiin kiiska la noo sheegay in la nagusoo eedeeyay saaka ee aragagixisada, anaku ma qabno, maayarka iyo ciddii kale ee dhib naga tirsanaysaana hanagusoo caddayso kiiskaasi. Waanagan xidhan oo anaku eedaysanayaalbaanu nahay, ee cidda dhibanaha ah ee anakoo fal argagixiso ah samaynayna nagu qabatay hasoo caddayso, illaa iyo inta lasoo caddaynayana waanu xidhnaanaynaa. maantaa todoba ku ah intaanu ku xidhanahay saldhiga. Wasiiraa noogu yimid saldhiga oo nala baryay iskasoo baxa, anagoo bilaa dambi ah haddii la na xidhxidhay ha u sheegaan warbaahinta aduunka inay nagu gafeen haddii kale hanagusoo cadeeyaan”

 

Waxaa la sheegayaa inaad shalay baabuur ku horjarteen baabuur ay wateen qaar ka mid ah haayadaha caalamiga ee ka tirsan UN-ta arintaasi ka waran oo siday wax u dheceeen. “Walaal waxaan telefoonka kala hadlay inan ka mid ahaa waftiga waxaanu ii sheegay inay Gabiley joogaan, aniguna isagaan soo salaamayay oo aan u tagay, kadibna goobta ay joogeen oo buuxday ayaa baabuurka la dhex galay. Kadibna waanu is ara

 

Kiiskan ayaa ku cusub dhagaha shacabka reer Gabiley taasi oo dhalinyarta lagu eedaynayo inay samaynayeen falal argagixo ah ayaa

 

Muxuyadiin;“Waxaanu madaxwaynaha qaranka, golayaasha sharci dajinta, wasaarada arimaha gudaha iyo amniga iyo xidhibaanada golaha deegaanka Gabiley si sharaf iyo xushmad leh uga codsanaynaa inay sida ugu dhakhsaha badan xasaanad ka qaadid ugu sameeyaan maayarka degmada Gabiley oo dhibane ka ah kiiskayaga iyo kiisas badan oo isaga si shakhsiyan ah ugu xidhan jeelka wayn ee Gabiley. Mudanayaal waxaanu dhamaantiin idinka codsanaynaa in aad dhawrtaan sharafta, karaamada iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka kasta oo reer Somaliland ahi xaqa u leeyahay. Haddii sharcigii u adeego maayarka Gabiley oo god ku riddo codkayaga iyo xuquuqdayada waxaanu idinka codsanaynaa inaad dalka naga mastaafurisaan oo dalalka jaarka noo gudbisaan si aanu ugu noolaano nolol qoxootinimo ah oo ilaalinta xuquuqda qoxootiyadu noo damaanad qaadaan dhawrista bani aadanimo ee qofka xaq u leeyahay inuu aduunka dushiisa ku helo.

 

Mudane Madaxwayne waxaanu kaa codsan lahayn inaad hoos u eegto anakoo dalka wax kusoo baranay, oo labaatankaa sanadood kusoo noolayn in maayar dawladaada ka tirsani, sharci darro nagu xidho oo sharci darro sharaftayada iyo karaamadayada ku maydho. Anakaa dalka jecel oo ilaalina”

 

Dadwayne kala duwan oo aragtiyo kala duduwan ka bixiyay xadhiga muwaadiniinta lagu eedeeyay argagixisada, ayaa waxaa ka mid ahaa Ahmed Sh. Ducaale (Ahmed Biito) kaasi oo sheegay in eedaasi aanay ahayn tii lagusoo eedayn lahaa dhalinyaro muwaadiniin ah oo dalkooda jecel oo u samray inay ku noolaadaan dalka iyakoo bilaa camal ah. Waxaanu ku tilmaamay in dhalinyartaasi la xidhi karo, oo lagu eedayn karo inay shaqaaqo wadeen, oo lagu eedayn karo in looga shakiyay inay shaqadii socotay hakad galinayeen ama mudaharaadayeen laakiin aragagixiso aanay suurtal la ahayn isaga aragtidiisa. Isagoo ciidamada danbi baadhista saldhiga, xeer ilaalinta iyo maxkamada gobolkaba ka codsaday inay kiiskaasi si gun-dheer u baadhaan, oo xukun cadaalad ah ka gaadhaan. Haddii lagu caddayn waayona inamadaasi waxaa lagu sameeyay eedayn xaaraan ah oo aan ka suurto galin muwaadin dalkiisa jecel ee loo sameeyo waxkasta oo sharaftoodii usoo celinaya.

 

Maayarka Gabiley ayaa saaka u ambabaxay dhinacaa iyo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Tog-dheer halkaasi oo la sheegay inuu kaga qaybgalayo kulan ay yeelanayaan maayarada degmooyinka dalka iyo haayadaha fuliya mashruuca JPLG-ga. Mar aanu garaacnay telefoonadiisa kala duduwan ee gacanta oo dhamaantood xidhnaana noomay suurto galin inaanu dhiniciisa wax ka waydiino.

 

Xadhiga dhalinyartan ayaa ah kuwii labaad ee muddo labo todobaad guduhood ah lagusoo xidhxidho amar uu bixiyay maayarka Gabiley halka dhalinyarada hore maayarku kaga eedeeyay inay gurigiisa magaalada Gabiley u dhacayeen iyagoo midiyo sita si ay u xadaan gurigaasi. Eedaymahan dhalinyarada lagu haysto ayaanu maayarku midna u hayn caddaymo lagu qanci karo. Dulmiyada noocan oo kale ah ayaa kusoo badanaya magaalada Gabiley intii uu joogay maayarka hadda Shucayb Maxamed Muuse, iyadoo wasiirada gobolka kasoo jeedaana ay daawanayaan dulmiyada badheedhka ah ee uu dadka muwaadiniinta ah kula kacayo, taasi oo taariikhda u gali doonta.

 

Wajaale News Office

Gabiley Somaliland.

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS