|
|||||
WAJAALE NEWS
Dawladda-Turkiga-Oo-Ku Dhawaaqday In-Ay Joojisay Lacagihii-Tooska-Ahaa-Ee-Ay-Siin-Jirtay-Xukuumadda-Somaliya.
February 14, 2014 - Written by Editor:Ankara(Wajaalenews) -Mid ka mid ah deeq bixiyeyaashii somaliya ugu muhiim sanaa oo ah Dowladda Turkiga si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay joojisey dhaqaalihii ay sida tooska ah u siin jirtey dalka Soomaaliya, dhaqaalahaas oo badankiisa lagu bixin jirey gargaarka bini aadamtinimada iyo weliba mashaariicda dhanka horumarinta bulshada la xidhiidhta,gaar ahan cusbitaalada iyo wax u qabashada dadka barakay. Ma cadda xaddiga ay leekayd lacagta ay sannad walba xukuumadda Ankara caddaan ahaan u siin jirtey Dowladda Soomaaliya, haseyeeshe C/salaam Cumar Hadliye oo ah guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in muddadii uu xilkaas hayey ay bil walba bankiga dhexe kusoo dhici jirtey lacag dhan $4.5 milyan oo dowladda Turkigu ay ku deeqday. Dhinaca kale arritani waxa ay ku soo beegmaysaa xilli uu madaxwaynaha somaliya Xasan Sheekh Maxamuud Ku Suganyahay dalka Turkiga oo uu u joogo safar caafimaad,ilaa iyo hadana lama oga sababta keentay in ay dawladda Turkigu joojiso cawimadaasi balse waxa loo anaynayaa in ay u joojisay musuq maasuq lagu sameeyaya lacagta caawimada ahayd ee Turkigu tooska u siin jiray somaliya. WAJAALENEWS DESK EMAIL;wajalenews@gmail.com
Related posts:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qaybgalay 30-Guurada Kasoo Wareegtay Aas-Aaskii Ciidanka... Siyaasi Dhoolayare Oo Xisbiga Kulmiye Ku Eedeeyay In Ay Ku Dhaqmayaan Wixii Ay Shalay Ka Qaylinayeen... Maxaad Ka Ogtahay Xaqiiqda Dhabta ah Ee Sobobtay Dhacdadii Tuulada Jaamc Dubad Iyo Raasaska Ay Ka So... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|