Dawladda Somaliland Oo Ka Hadashay Dhawaaqii Ingiriisku Kaga Dayriyey Ammaanka Dalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Somaliland Oo Ka Hadashay Dhawaaqii Ingiriisku Kaga Dayriyey Ammaanka Dalka
February 15, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA (WAJAALENEWS)Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay dhawaaqa dawladda Ingiriisku ay muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ugu baaqay dawladda Boqortooyada Ingiriiska in aanay isku qaldin Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay ka jirto nabadgalyo taam ah, sidaa daraadeedna aan loo baahnayn in dawladda Ingiriisku ku khaladdo dhibaatooyinka ammaan daro ee Soomaaliya yaala.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Dawladda Ingiriiska iyo dawladaha kaleba waxaanu doonaynaa inaanu u caddayno annagu waxaanu joognaa dalkayagii oo xor ah oo nabad ah, nidaamkuna yahay kaa kala dambaynta ah, nidaamkaa uu sharcigu sareeyo uu yahay, dalkayagu maaha mid fowdo ka jirto, Somaliland waa meeshaa ILAAHAY ka sakow uu qofka nabadgalyada ku nool yahay oo dawladnimana ka jirto”

 

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Ingiriiska iyo dawladaha kale waxaanu ugu baaqaynaa in aanay xaqiiqda Somaliland ka jirta indhaha ka qarsan oo aanay barbar dhigin Soomaaliya”ayuu yidhi.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS