Dawaarle Nimaan Ahayn Yaanu Shaadhka Kuu Tolin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawaarle Nimaan Ahayn Yaanu Shaadhka Kuu Tolin.
February 11, 2014 - Written by Wariye:

Hadaan Usoo Noqdo Mawduuca Aan Maanta Rabo Inaan Wax Ka Taataabto Waxaan Leeyahay Mudane/Gudoomiye C/Raxman Cirro.

Waana Ku Mahadsan Tihiin Hawsha Aad U Haysaan Umadiina Iyo Sida Aad Noogu Suurto Galiseen Inaan Afkaartayada Ugudbinkaro Shacab Iyo Dawladba.

Hadaan Usoo Noqdo Mawduuca Aan Maanta Rabo Inaan Wax Ka Taataabto Waxaan Leeyahay Mudane/Gudoomiye C/Raxman Cirro.

Taariikhdu Nin Walba Xiligiisa Ayay U Bilaabantaa Dhamaadkeeduna Wuxuu Noqdaa Wax Qabadkii Uu Ruuxaasi Soo Sameeyay Taasaana Hamigiisa Uu Tiigsanayo U Ah Bud-Dhig Iyo Wax Lagu Sifeeyo.

Hadaba Taariikhdaadu Aad Ayay U Kooban Tahay Waxaanad Hada Gacanta Ku Haysaa Xilkii Ugu Horeeyay Ee Aad Umadda Reer Somaliland Kuu Igmatay Cv Horena Adba Waad Ogtoo Meesha Kuuma Yaalo.

Waxaan Kuu Qirayaa Inaad Mudadii Aad Xilkaa Soo Haysay Aad Si Hufan Oo Karti Iyo Daganaansho Leh Ku Waday Hawlkasto Oo Aad Qabanayso.

Adigoo Ka

Duulaya Waxa Gacanta Kuugu Jira Maanta Maaha Inaad Iska Shaanbadayso Ama Rag Aan Saaxada Siiyasada Waa Hore Ka Siibtay Oo Rajo Beela Ay Kugu Ridaan Godkii Ay Ku Soo Dhaceen Kuna Saaqideen Umadduna Intay Ku Baratay Kadib Ay Cidlada Kaga Guurtay Oo Wax La Caayo Iyo Wax La Qaso Ka Dhigtay Hawl Maalmeedkoodii.

Markaa Gudoomiye Waxaan Talo Ahaan Ku Leeyahay Yaanay Shaadhka Kuu Tolin Nimankaa Badhanka Ku Tolan Waayay Shaadhkay Xidhanyihiin.

W/Q: Fuad Kamil Esse

Sweden

COMMENTS
LINKS