Dalka Ukrain oo magacowday Madaxweyne | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka Ukrain oo magacowday Madaxweyne
February 23, 2014 - Written by Editor:

Ukrain(wajaalenews) ;Baarlamaanka Ukrain ayaa u doortay afhayeenka baarlamaanka inuu noqdo madaxweyne ku meel gaar ah, maalin kadib markay xukunka ka qaadeen Victor Yanukovych mudaaharaadyo looga soo horjeedo kadib.

Afhayeenka baarlamaanka Oleksander Turchinov, ayaa ku guubaabiyay xildhibaanada inay ku heshiiyaan dowlad ku meel gaar ah Talaadada.

Afhayeenka baarlamaanka waxay isku dhow yihiin, Ra’iisalwasaarihii hore Yulia Tymoshenko oo xabsiga laga soo daayay shalay.

Madaxweyne Yanukovych ayaa ka tagay waddanka, waxaana la bixiyay amar lagu soo xirayo saraakiisha sare ee dowladda.

Baarlamaanka Ukrain ayaa kulmay si ay uga tashadaan mustaqbalka siyaasada. Xildhibaanada ayaa ka dooday magacaabida Ra’iisalwasaare iyo dowlad ku meel gaar ah, ka hor doorashada madaxweynenimada ee dhici doonta May.

Lama oga meel uu jiro madaxweyne Yanukovych, wuxuu talaabada baarlamaanka ku tilmaamay mid afgambi ama xukunka looga qaaday.

Sabtidii shalay ilaalada xuduuda ayaa lagu soo waramayaa inay ka hor istaageen inuu diyaarad ku galo Ruushka.

Dagaalo maalmo socday oo u dhaxeeyay dadka mudaaharaadaya iyo ciidamada ammaanka ayaa dilay in ka badan siddeetan qof. Fagaaraha xoriyada oo dadka isugu imanayeen ayaa hadda dagan.

Boliiska ayaa sheegay inay raadinayaan laba masuul oo ka tirsanaa dowladda.

COMMENTS
LINKS