Dadkii Danyarta ahaa ma Xashiishqub bay Noqdeen?faalo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadkii Danyarta ahaa ma Xashiishqub bay Noqdeen?faalo
February 24, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Dawalada hoose ee caasimada ayaa waxba ka qaban tan iyo intii ay maamulka la wareegtay dadyow  laga barakiciyay xaafado ayaa sida xashiishka oo kale lagu qubay badhtanka wadadda ay maraaan  , dadyowgan  baro kacayasha ah ayaa dawladii hoose ee uu maamulka  ka ahaa eng xuseen jiciir ay ka rartay xafadahooda isla marki dadkan laga raray xafad hooda ayaa lagayn meel ay dagaan oo ay hoy kadhigtaan  dadkan danyarta ah ayaa waxay daganaayeen meesha laga raray mudo aad u dheer halkaasi oo ay ku dhaleeen caruuro tiro badan ,dadkandanyarta ah ayaa qaarkood la dajiyay meelo kale halka qaarna meesha lagaga dhaqaaqay waxaana ku soo martay duruufo aad u balaadhan dadkan dan yarta ah ayaa cabasho xoogan ka muujiyay waloow ayna cidba dhag jalaq u siin goobtan ay dadka dan yarta ah u hoyga ahi waa wado dhexdeed halkaasi oo baaburtu ukala dhaafaan  halisna ku abuurtay in caruurahooda ay ka jidhaan baabuurta wadadaasi maraya  waxa iswaydiin leh Akhriste  maxaa wax logu qaban laayahay ??? maxaa loo dajin waayay meel ay dagaan ??? ayaase u maqan ??

     Dadkan dan yarta ahi waxay ku  qabaan meesha ay hada dagan yihii nolol aad u adag waxaan ugu sooglay xili roobaadkii waxaana ugu dhamaaday xiligan aynu ku jirno oo ah xili qaboobihii taasi oo ay soo socoto xiligii gugu , dadkan danyarta ah caba shadoodu manta oo kaliya may ahayn ,manta oo kaluyana lagama hadal oo warbaahinta dalka ka soo baxda oo dhan ayaa ka hadashay  dana lagama galin hoosna looma eeginba sida ilamuuqatan waxay ilantahay in la iska indho tirayo ,dadkan lagararay meesha ay daganaayeen ayaa waxay ka samaysan yihiin hoygoodu maryo iyo baco ay isku xidh xidheen dhab ahaantii maaha wax calinaya kulaylka iyo qabawga toona ,dadkani mahaystaan waxay cunaan iyo waxay cabaan toona abaalkoodi waxa uu noqday in ladajiyo wado dhaxdeed ,dadkan waxa ka muuqda duruurf aad u adag maarkaad marayso

 

jidkoodana waad ka naxaysa waxaanad goon sanaysaa inanad maalidanbe aanad soo marin  sidoo kalana waad ka niyo jabaysaa  oo waad ka naxaysaa dadkan duruufta adagi hayso    Dadkan danyarta ah ee laga dhigay barakacayaasha ayaa meelahii ay biyaha ka cabi jireen laga baabiiyay , biyo ay cabaana aan haysan wax ay ku iibsadan haba yaraatee ay dirqi ku tahay cucntada ay cabayaana waxay u keena xaafadaa ku dhaw ku waas oo aan wax badan ka taray oo itaalkoodu noqday kacaawinta cuntada qaarkood halka kuwa kalana ay meelahaa u xoogsi tagaan , xaafaadaha la jaarka ah ama u dhawi ayaan waxsidda ah u tari dadkan dan yarta ah ayaa waxay u baahan yihiin meelo ay dagaan si ay uga baxaab nolashan adag e haaysata waxayna maruun niyada ku hayaan una samrayaan inay noloshan qalafsan ay ka bixi doonaan

 

 

 

                                          Muuqaalka Goobtii ay biyaha ay kadhaansan jireen oo laburburiyay 

 Goobaha ay dagnaayeen dadkani ayaa u muqata middaan cidna la dajin iyadoo lagu badalay goob ay caruurtu ku bada ku ciyaaran iyadoo sababta dadka looga oo rarayna ahayd inay meeshu tahay xaabaalo lamana garanayo haatan sababta keentay inlagu ciyaaro ku bad, dad danyara oo  ay hoygooda ahaydna halag raro  dadkan ayaa sida aynu hore u soo xusnay dagnaa meesha mudo aad u fog Akhriste waxa sidoo kale  iswaydiin mudan maxaa laga damacsan yahay dadkan dan yarta ah ee laga dhigay  barakacayaasha??? Mee waxqabadkii dawlada hoose ay dadka danyarta ah wax ugu qabanaysay una soobandhigtay xiligii ololaha dawa lada hoose lagu jiray ??? 

 

                                   Muuqaalka Goobtii markiii hore laga soo raray oo laga dhigay goob kubada lagu ciyaro

  Dawlada hoose ee haatan xilka la wareegtay ayaan wax muuqda ka soo saarin isla markaana uba war haynin marka sidaa loo eego waayo hadii ay u soo jeedo waxbay kanqaban lahayd  ee danta iyo duruuftuba halkaas ku may hesheen ,hadii aynu soo koobno maqaalkeenan ama warbixinteewnan  ujeedada aynu kaleenahayna waxay tahay in bal la iswaydiiyo sababta dadkan danyarta ah loogu eegayo waxan oo dhibaato ah  iyo ta keentay manta in dawlada hoose ay iska idho tirto sidaad ka warqabtaan waxay marwalba ku faantaa in ay mashaariic hormarineed inay qabato ,dadkii danyarta ahaa waxay noqdeen una muuqdaan kuwo laamida lagu marayo  maaha oo kaliya inay dawlada hoose ay wax u qabato laakiin waxay ahayd in dawladii ay sida xalaasha ah ay u soodoorteen ay wax uqabato ee maah inay ku mashquusho waxyaabo kale , wax ha u qabato dadkan dhibta iyo duruufta adagi haysato  Ugu danbayntii sawiradan hoos ku xusani waxay muujinayaan xaalada ay dadkaasi ku sugan yihiiin

   Muuqaalka guryaha ay galaan dadkan danyarta ahi

COMMENTS
LINKS