|
|||||
WAJAALE NEWS
Cuqaal Iyo Odayaal Kale Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Dhex Jira Shirgudoonka Wakiilada
February 13, 2014 - Written by Editor:HARGEISA WAJAALENEWS ;Qaar ka mid ah Cuqaasha Beesha Arab ayaa shirgudoonka golaha wakiilada ugu baaqay inay xaliyaan khilaafaadkooda, isla markaasna inta
Hargeysa(wjn)-Qaar ka mid ah Cuqaasha Beesha Arab ayaa shirgudoonka golaha wakiilada ugu baaqay inay xaliyaan khilaafaadkooda, isla markaasna inta wakhtiga uga dhiman ay u wada shaqeeyaan sidii hore ay ugu wada shayn jireen. Waxa ay cuqaashani ku eedeeyeen guddoomiye Cabdiraxman Ciro ugu baaqeen inuu ka laabto awooda uu dhimay ee labadiisa ku Caaqil Xuseen Colaad Jaamac ayaa isaguna waxa uu halkaas ka yidhi“waxaan ku leeyahay Cabdiraxmaan Ciro ha ka marti tagin inta xil ee aad isku hayso qiimaha ay leeyihiin.” Ugu danbayntii Jiif caaqil Shucayb Cabdi Jaamac ayaa si waayeelnimo ah ula hadlay shirgudoonka golaha wakiilada, waxaanu ugu baaqay inay xaliyaan khilaafkooda,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Golaha wakiilada baryahanba guux ayaa ka jiray saddexdii sano ee ay xukuumaddani jirtayna wax khilaaf ah kama jirin imika horteed, waxaan markaas leeyahay guddoomiyaha golaha walkiilada sidii aad u waday golaha saddexdii sano ee hore adigaa ka masuul ah golihiiye,waxaan leeyahay oo kale labadii ku xigeen halkoodii halagu soo celiyo adigana yaan waxba cod laguu qaadin oo inta idiinka hadhay wakhtiga yar ku wad arimaha si wacan,isku tanaasula oo labada ku xigeena halkoodii halagu celiyo.”
Geeska. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|