Ciidanka Milateriga Ee Gobalka Togdheer ayaa Maanta u Debaal-Degay Sanad Guradii 20-Aad Ee ka Soo Wareegtay ka Dib Markii Dhidibada Loo Taagay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Milateriga Ee Gobalka Togdheer ayaa Maanta u Debaal-Degay Sanad Guradii 20-Aad Ee ka Soo Wareegtay ka Dib Markii Dhidibada Loo Taagay.
February 2, 2014 - Written by Editor:

BURCO WAJAALENEWS ;Munaasibad Baladhan Oo Loogu Debaal-Degayay Xuskani ayaa waxa ka soo Qayb-Galay Badhisabka G/Togdheer,Maayir ku Xigenka Degmada Burco,Xildhiban Mubaarig Yuusuf (Bidhi) iyo Masuuliyin Kale Oo Aad u Tiro Badan.
Xuskani ay Ciidanka Milaterigu Ugu Debaal-Degayeen Sanad Guradodii 20-Aad ayaa Waxa Ugu Horaynba waxa ka Hadlay
Abaan-Duulaha Ciidanka Qaranka Ee Aaga Bari Maxamed Abokor (John) iyo Abaan-Dulaha Qaybta 12-naad Ee Ciidankasi Kayd Cismaan Muxumed waxaanay ku Dheradeen Qiimaha iyo Muhiimada Gaarka ah Ee ay Maalintani u Leedahay Ciidanka Qaranka S/land.
Waxaana ka Mid ahaa Hadalododii ” Waxaanu Maanta si Wayn Ugu Debaal-Degaynaa Xuska Sanad-Guuradii 20-Aad Ee ka soo wareegtay Markii la Aasasay Ciidanka Milateriga Somaliland,Waxaanu Maanta Halkan ka Hambalyaynaynaa Dhamaanba Ciidanka Qaranka Meel ay Jooganba Waxaanan Leenahay ilaahay Sanadkan Sanadkiisa idinka iyo Caruutina iyo Xaaskinaba Haydinku Gaadhsiyo Bashbash iyo Barwaaqaba,Dhamaanba Ciidanka Qaranka  Jamhuuriyadda Somaliland Waxay ku Maanta ku Jiraan Meel Aad Fiican” Ayuu Yidhi Abaan-Dulaha Ciidanka qaranka Ee Aaga Bari
Maayir ku Xigenka Degmada Burco Muxumed Xasan Jaamac Xoday Oo isaguna ka Hadlay Debaal-Dega Xuskaasi Waxa ka Mid ahaa Hadaladisii Sida Tan
” Maanta Waa Farxad Wayn Ciidanka Qaranku iyagoo Xidhan Derajooyinkii inay u Debaal-Degaan Sanad Guuraddii 20-Aad Ee ka soo Wareegtay Markii la Aasasay Ciidankaasi,Aad iyo Aad ayaanu Ugu Hambalyaynaynaa Debaal-Dega Xuskani Waxaananu Leenahay Hiil iyo Hooba Waanu idinla Barbar Taagan Nahay,Waxaanan Leenahay Hambalyo” Ayuu Yidhi Maayir ku Xigenka Degmada Burco
Gudomiyaha Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Oo isaguna Dhankiisa Halkaasi ka Hadlay ayaa Hambalyo u Diray Guud ahaanba Ciidanka Qaranka Meel ay Jooganba
Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisi ” Ciidanka Qaranku Waxa Weyaan Cida ay Bulshadu ku Ladayso Ee ay ku Seexanayso Hadh iyo Habeenba,Waxaan Filayaa Guutadii Ugu Horaysay Ciidanka Qaranka Ee Hargaysa Laga Aasaso Waxaan ahaa Xildhiban ka Tirsan Golaha Wakiilada Maalintasna Goob Joog ayaa ka ahaa,Maanta Ciidanka Qaranka Somaliland Waa Kuwo la isku Halayn Karo,Waxaan idin Leeyahay Nin Lagu Seexdow ha Seexan,Waxaan idiin Rajaynayaa Sanadkan Sanadkiisa ku Gaadhan Bash Bash iyo Barwaaqo idinka iyo Qoysaskiinu” Ayuu Yidhi Badhisabka Togdher Si Kastaba ha ahatee Xuska Debaal-Dega Aasaska Ciidanka Qaranka ayaa Waxa Maanta Gabi ahaanba Gobalada Dalka Oo Dhan Looga Debaal-Degayaa Xuska Maalintani.

WAJAALENEWS DESK

BURCO OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS