Ciidamo uu Dalbaday Gu:kuxigeenka kowaad Ee Golaha Wakiilada Oo Khalkhal Giliyey Mudanayaasha Golaha, Qaar Kamidana Sababey Inay Gacan Kahadal Ka Gaadho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamo uu Dalbaday Gu:kuxigeenka kowaad Ee Golaha Wakiilada Oo Khalkhal Giliyey Mudanayaasha Golaha, Qaar Kamidana Sababey Inay Gacan Kahadal Ka Gaadho.
February 9, 2014 - Written by Wariye:

ciidamoHargaysa(Wajaale News):-Fadhigii Golaha wakiilada ee ay maanta yeesheen oo ahaa mid aad u xasaasi ah, ayaa ahaa mid gabi ahaanba ka duwan fadhiyadii caadiga ahaa ee golaha wakiilada, iyada oo ay Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo ay maalmihii udanbeysay faragalin xoogan ay ku haysay Mudanayaasha aqalka wakiilada oo khilaafaad iyo isfahamwaa soo kala dhexgalay mudooyinkii udanbeeyey iyada oo khilaafaadkaasina loo aanaynayo waxkabadalkii xeerhoosaadka golaha wakiilada ee ay dhawaan sameeyeen iyo sida oo kale xukuumada oo si aada u danaynaysa in ay golaha cagaheeda hoos keento.

Waxana fadhigii maanta marqudha isa soo dhoobay xayndaabka golaha ,ciidamo aad u tiro badan kuwaasi oo si badheedha oo ula kac ah dadkii martida ahaa ee golaha kasoo saarayey gudaha golaha, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiinta aqalka wakiiladu waxa ay sheegeen in aanay dalbanin wax ciidama ah, loona baahan yahay in ay joojiyaan rabshada ay golaha ka abuurayaan

Gudoomiyaha gudida joogtada ah ee golaha wakiilada Xildhibaan ibraahim mahdi buubaa ayaa waxaa uu si adag u ee deeyey xukuumada ciidamada ay soo dhoobtey gudaha aqalka barlamaanka waxaana uu sheegay inay tahay mid kamida faragalinta ay xukumadu ku hayso golaha wakiilada waxaana hadaladiisii kamid ahaa

“…..Dastuurkii iyo xeerarkii dalkani lahaa xukumadani waa ay baabiisay imika laga bilaabo ilaa maalmihii udanbeeyeyna inqilaab ayaa ay golaha ku haysay oo ay faraha kula jirtaa habeen iyo maalinba ciidankuna taasi ayey kamid tahay,  iyo maalin walba  xildhibaano tirabadan ayaa guriga madaxweyna ku xigeenka ku shira oo xalay oo ugu danbeysay lagu shiri naayey oo loo gudoominaayey goaamo lagu doonayey in xeerar qayru sharciyaa golaha lagu jideeyo”.

Ciidamadan aadka utirada badan ee isa soo dhoobay halka ay xildhibaanadu fadhiisataan ayaa waxaa ka dhashay buuq iyo sawaxan sababey in xildhibaanada qaar ay gacan kahal sameeyaan.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo wax laga waydiiyey sida uu u arko ciidamada golaha Dhexdiisa isa soo dhoobay ayaa waxaa uu sheegay in aanu garanayn cida uyeedhay waxaana u intaa ku daray inuu amar faray ninkii ciidanka watey si ay golaha uga dhex baxaan.

Balse sida ay wararku sheegayaan Gu: Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay in uu isagu dalbaday ciidamada si ay usugaan amniga golaha wakiilada

Isku soo wada duuboo xaalada guud ee golaha ayaa maanta ahayd mid si aada u kacsan, taasi oo aan lagaran doonin cida ku gacan sareyn doonta hirdanka siyaasdeed ee ka dhex socda golaha wakiilada.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS