|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidammada Booliska Sucuudiga Oo Toogasho Ku Dilay Dhallinyaro Soomaali Ah.
February 18, 2014 - Written by Wariye:
Booliska magaalada Jiddah ayay wadada iskaga hor yimaadeen dhalinyaro Soomaali ah ka dibna waxaa la sheegay inay llaba Wiil oo ka mid ah dhalinyaradaasi ay carareen taasoo keentay in ciidanka Booliska Jiddah iyaguna inay adeegsadaan rasaas nool oo ay ku rideen labada wiil ee cararay kuwaasoo ku dhintay isla goobtii ay rasaasku ku qabsatay. Hay,addaha ammaanka ee dalka Suciiduga ayaa hore u meel mariyay in ciidanka boolisku ay awood u leeyihiin inya toogtaan isla markaana ay dilaan inta hawl galka dib u celinta dadka ajaanibka ahi socdo cid kasta oo ka cararta booliska taasoo meesha ka saaraysa in wax xuquuq ah lagu helo booliska Sucuudigu qof kasta oo ay dilaan. Allaha u naxariistee dhallinyaradaas geeriyootey ayaa mid ka mid ah magaciisu ahaa CABDI SALAN CABDILAHI AADAN. Wajaale News Related posts:Raysal Wasaare Abey Axmed Oo Dawlado Shisheeye Ku Eedeeyay In Ay Ka Danbeeyeen Dilkii fanaan Hachalu... Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoys Iyo Shacabka Jabuuti Geerida Ku Timid Marxuum Almis Maxamuud X... Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Golaha Wakiilada Hor Yimi Kana Hor Akhriyay Xisaab Xidh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|