Bulshada-Reer-Somaliland-Oo-Dal-Iyo-Dibadba-Bogaadin-Iyo-Hambalyo-U-Diray-Xildhibaan-Tukaale-Oo-Ku-Dhawaaqay-In-Ay-Wadaan-Mooshin-Lagu-Shay-Baadhayo-Caafimaadka-Madaxwayne-Silanyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bulshada-Reer-Somaliland-Oo-Dal-Iyo-Dibadba-Bogaadin-Iyo-Hambalyo-U-Diray-Xildhibaan-Tukaale-Oo-Ku-Dhawaaqay-In-Ay-Wadaan-Mooshin-Lagu-Shay-Baadhayo-Caafimaadka-Madaxwayne-Silanyo
February 10, 2014 - Written by Editor:

HAREGISA WAJAALENEWS Qeybo badan oo kamid ah Dadweynaha Reer Gabiley, ayaa siweyn usoo dhaweeyay hadaladii uu  Warbaahinta u mariyay  mudane Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo kamid ah Xildhibaanada Mucaaridka ah ee katirsan Golaha Wakiilada kana soo jeeda Gobolka Gabiley, iyagoo ku hambalyeeyay sida uu, u asiibey nuxurka Mooshinka uu ku sheegay in ay Madexweynaha u soo wadaan ee la Xidhiidha dhinaca xaaladiisa Caafimaad,iyo  in uu dalka maamulidiisa u madax banaan yahay.

Qaar kamid ah Dadweynaha Reer Gabiley oo u waramay warbahinta ayaa Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale ku hambalyeeyay, in xaaladu tahey sida uu hadalkiisa u dhigay Maadaama Madexweynihii la doortey, aanu mooshin iyo arimaha dalka ka socda midna faraha kula jirin haseyeeshee, ay Wasiiradiisu uga firfircoon yihiin maamulka dalka

“Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale Waxa uu Reer Gabiley ka mudan yahey Hambalyo Qiima leh sida raganimada leh ee uu u asiibey hadalkii Mooshinka ay Madexweynaha u soo dhigeen isaga iyo Xildhibaanada Muicaaridka ah waxaan leeyahey wadanka loogama baahna in Wasiiradu awood yeeshaan ee waa in uu Madexweynihii la doortey taliyaa”Sidaa waxa yidhi Caaqil Axmed Cabdilaahi Xareed(Weerar), oo sheegay in uu dhambaalka Reer Gabiley Xildhibaan Bashiir u dirayaan uu safka hore kaga jiro.

Dhinaca kale waxa dhambaalka hambalayada ah u gudbinaya Xildhibaanka Xubno aad u tira badan oo isugu jira Qurbajoog iyo Shacbiga Reer Gabiley oo dhamaantoodba ku hambalyeynaya sida aanu Xildhibaanku hadalka nuxurkiisa uga tagin marnaba.

Hadalkan Dadweynaha Reer Gabiley ku hambalyeeyeen Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, ayaa dabada ku haya hujuunkii Xukuumadu kusoo beegtey Golaha Wakiilada Somaliland taas oo ay Gabiley, kala mid aheyd sida loo taageerey hadalka Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, sidoo kale loogu riyaaqey Magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo iyo Oodweyne iyo guud ahaanba dalal badan oo ay Qurba joogu ka hambalyeeyeen,waxaana iska soo daba dhacaya hambalyooyinka loo dirayo xildhibaan Tukaale ee ka imanaya dalka gudihisa iyo dibadiisaba.

HARGEISA OFFICE

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS