Boqor-Buur-Madaw-Oo-Xukuumadda-Sir-Ka-Qarxiyey-Sheegayna-In-Muddo-Kordhinta-Silanyo-Miiska-Saarantahay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqor-Buur-Madaw-Oo-Xukuumadda-Sir-Ka-Qarxiyey-Sheegayna-In-Muddo-Kordhinta-Silanyo-Miiska-Saarantahay
February 21, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS) Boqor Cismaan  Buur madaw ayaa markii ugu horaysay qorsho ku tallo gal ah oo ay diyaar sanayso qarxiyey,Buur madaw ayaa sheegay in xukuumadda talada dalka haysa ee uu hogaamiyo madaxwayne Silanyo ay miiska saarantahay muddo kordhinteedu,isla markaana la diyaariyey waxana uu yidhi”marka doorasho timaado waan hubaa in uu wadani qabsanayo,midna aynu is xasuusinee,madaxwaynahan hadda kordhintiisiibaa diyaar ah,in loo kordhiyo,intaana waynu samri karaynaa baan u malaynayaa”ayuu yidhi Boqor Buur madaw.

hadalkan ka soo yeedhay buur madaw ayaa diirka ka qaadaya su`aal ay inta badan xisbiyada mucaaridka ah iyo bulshada reer somaliland iswaydiiyaan oo ah in  ay xukuumadda silanyo diyaar u tahay in ay doorashada madaxtinimada ku qabato wakhtigeeda oo anay muddo kordhin samayn,balse sida muuqata uma muuqato in ay u sii diyaar garoobayso qabashada xilliga ay ku aadantahay,oo hada muddo sanad iyo badha ah uu uga dhimanyahay,iyada oo doorashooyinkii barlamaankana la sugayo.

Boqor Buur Madaw ayaa shaqsi aad ugu dhaw madaxtooyada isla markaana ka wax ka og qorsheyaasha qarsoon ee madaxtooyada laga maleego,sidoo kale Buur madaw ayaa ka hadlay Ciyaalka qal qaaliga ah ee madaxtooyada lagu sheego,kuwaasi oo uu sheegay in marka hore la daayo  iyaga,ka dibna uu qabanayo wixii markaasi ka dambeeya,balse maa uu sheegin kuwa uu qabanayo kuwa ay yihiin madama qal-qaaliyiin badan oo madaxtooyada ku ciyaar bartay la sheego.

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS