Boqolaal Ka Tirsan Ciidamada Somaliya Oo Shaqadii Laga Caydhiyey. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqolaal Ka Tirsan Ciidamada Somaliya Oo Shaqadii Laga Caydhiyey.
February 4, 2014 - Written by Wariye:

somaliaMuqdisho(Wajaale News):-Taliyaha ciidamada xoogga somaliya, Jeneraaal Daahir Khaliif Cilmi (Indho-Qarsho) ayaa sheegay inay 700 oo askari ka eryeen shaqada ciidamada xoogga dalka, kaddib markii uu ku eedeeyay xil gudasho la’aan.

Jen. Indho-Qarsho ayaa sheegay in xubnaha ay eryeen ay isugu jiraan rag iyo dumar darajooyin kala duwan leh, isagoo intaa ku daray inaysan si toos ah ugu shaqeyn jirin ciidamada, balse ay ahaayeen kuwo shaqooyin iskood ah iska watay.

“Askarta la ruqseeyay waxay isugu jiraan saraakiil, saraakiil xigeen iyo dabley, waxayna isugu jireen kuwo xirfad layaal ah oo aan si toos ah ugu shaqeyn ciidamada xoogga dalka,” ayuu yiri Jen. Indho-Qarsho.

Sidoo klae taliyuhu wuxuu sheegay in askartan ay muddo toddoba bilood ah ugu yeedhayeen inay shaqooyinka gutaan, balse ay ka dhego-adeygeen sidaa daraadeedna ay shaqada ka ruqseeyeen.

Taliyaha ciidamada wuxuu sheegay in askarta ay ruqseeyeen ee boqollaalka ah ay isugu jireen, kuwo ganacsato ah, qaad-walayaal, kuwo waardiye ka ah hoteellada Muqdisho iyo kuwa aan xeryaha ciidamada iman.

Dhinaca kaleTaliyaha ayaa hadalkiisa kusoo beegay xilli askarta la eryay ay warbaahinta u sheegeen in la ruqseeyay iyagoo aan loo digin, dhammaan ciidamada laga joojiyay shaqooyinkoodana ay hubeysan yihiin.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS