Booliska Kenya Oo Xidhaya Boqolaal Qof Oo Ajaaniib Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booliska Kenya Oo Xidhaya Boqolaal Qof Oo Ajaaniib Ah.
February 2, 2014 - Written by Wariye:

Kenyan policemen supervise onlookers outside a church after a grenade attack in NairobiKenya(Wajaale News):-Booliska Kenya, ayaa xiraya boqolaal qof oo Ajaaniib ah kadib howlgal ay ka sameynayaan caasimadda dalka ee Nairobi. Dadka la xidhay ayaa looga shakisan yahay inay dalka sharci daro ku joogeen.

Xaafadda Islii ayaa ah goobaha dadka ugu badan laga qabqabanayo, habeenkii waxaa xaafadda lagu arkaa ciidamo badan oo ururinaya dad badan oo Soomali iyo dad kale isugu jira.

Howlgalka ayaa dhaliyay in dadka degan Islii ay maqribka guryahooda ku xaroodaan.

Sanadihii ugu dambeeyay Islii waxay marti u noqotay dembiyo kala duwan oo saameeyay ganacsatada Soomalida u badan.

Dadka Kenyanka ah ee asal ahaan ka soo jeedo Soomaliya, ayaa tilmaamay in booliska ay badhtilmaameed u noqdeen iyagoo sabab uga dhigayo inay argagixiso la dagaalamayaan.

Qaar ka mid ah dhalinyaro horey loo qabqabtay ayaa sheegayo in saameyn weyn ay ku yeelatay arrintani. Qaar ka mid ah dadka ku nool Islii ayaa sheegay in boliiska ay isbuucyadii ugu dambeeyay ay dhibaato ku hayeen Islii.

Balse boliiska oo iska difaacay eedaha qaar ayaa sheegay, inay tallaabo ka qaadaan oo keli ah dadka looga shakisan yahay argagixisada, kuwaas oo la xiray.

Gabadh lagu magacaabo Faaduma, oo ka mid ah haweenka Shaaha ku iibiyo Islii ayaa sheegtay in dadka ay booliska uruurinayaan ay saameysay ganacsigooda.

Kuxigeenka afhayeenka Booliska, Zipporah Gatiria Mboroki, ayaa sheegay in howlgal ballaadhan ay ka sameeyeen xaafadaha qaar ee Nairobi sida Islii, oo dadka ugu badan ay yihiin dad Kenya u dhashay oo asal ahaan Soomaliya ka soo jeedo iyo Soomali qaxooti ku ah kenya.

Dadkan la qabqabtay ayaa lagu xidhay xarumo boolis oo kala duwan, waxaana la filaayaa in maxkamad la horgeeyo horraanta Isbuuca soo socdo.

Bilihii ugu dambeeyay, magaalooyiinka muhiim ka ah ee Kenya ayaa amnigooda la adkeeyay, kadib weerarkii xaruntii ganacsiga ee Westgate.

Khamiistii, safaarado kala duwan ayaa soo saaray digniin ah in Kenya ay ku soo wajahan yihiin weeraro argagixiso.

Boliis ayaa la geeyay meelo kala duwan oo muhiim ah si ay uga difaacaan weerar kasta oo suuragal noqda. Dadka rayidka ah ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan meelaha aadka ciriiriga u ah.

Alshabaab ayaa weerar ku qaaday xarun tukaamo ee magaalada Nairobi bishii September, iyadoo ay ku dhinteen 72 qof boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS