Baddbaadinta Dalka, Dadka Iyo Distoorka, W/Q: Cabdiraxman M. Cumar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baddbaadinta Dalka, Dadka Iyo Distoorka, W/Q: Cabdiraxman M. Cumar.
February 16, 2014 - Written by Wariye:

Anigoo Ku Hadlaaya Afka Snm Ee Qurbajoogta Reer Sucuud Carabia Dhulka Barakeysan Ee Dalka Laga Xoreeyey Snm Unugeediidna Laga Abqaalay

Ku Wajahan: Xassan Ciise Jaamac

Guddoomiyaha Snm

Nuqul         : Ibrahim Dhegaweyne

Nuqul.        : Cabdiraxman Cirro

Guddoomiyaha G. Wakiillada

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani

Nuqul.          Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid

Nuqul.          Jamal Cali Xussein

Murashaxa Madaxweynaha Ee Xis Iga Ucid

Nuqul.          Cali Dool Axmed

Guddoomiyaha Aqoonyahannada Reer Somaliland

Al Salaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu

Anigoo Ku Hadlaaya Afka Snm Ee Qurbajoogta Reer Sucuud Carabia Dhulka Barakeysan Ee Dalka Laga Xoreeyey Snm Unugeediidna Laga Abqaalay, Aad Bay Noo Dhibtay Xaaladda Dalku Maraayo Wakhtigan Xaadirka Ah.

Arrimaha dalka kasocda taaka taakaannu ula soconnaa ciddii maanta wax ka qaban lahaydna waa idinka, haddaad maanta wax qaban weydaanna, wey innala fogaaneysaa, waar maantey dhawdahaye arrinka gala, oo haddii

aad wax kale garanweydaan, dadka kiciya oo mudaaharaad xooggan abaabula ciidama amma RRU hanoqdaan amma xooga dalka e u diga oo weliba SNM (SOOYAAL) DIGNIIN XOOGAM HA SIISO.

Guriga lagasoo maleegayo waa guriga Madaxweyne Ku Xiggeenka, waxaanu arrinkan u gelayaa waxa uu maqashiisanyahay in la beddelaayo, beddelkiisana waxa dabada ka riixaya Xirsi Gaab. Xirsi ayaa qaskan hadda taagan wada oo hanjabaaddi uu kasoo hanjabay Liverpool doonaaya inuu kaga dhabeeyo, yoolkiisuna waxa weeye xilka xayuubis GUDDOOMIYE CIRRO isagoo doonaaya inuu awoodda dalka ku keliyeysto, hadhawna sidii Migiste intuu ka takhaluso madaxweynaha Xafiiskiisa ku aaso oo uu isagu isa soo taago oo uu ku dhawaaqo inuu isagu dalka ka madaxweyne yahay illeyn sharci ka horjoogsanayaa ma jiro e. Waxaanu se ogeyn inaan lagu kala dambeyneyn meesha.

Ilaahoow haka yeeline arrinku wallahi meel xunbuu marayaa, waxaaney u egtahay ineynu sidii somaaliya iyo si ka xun aynu ku soconno. Ay noqon doonto ninkii roonow reerka u hadh.

WAAR INTEY GOOR GOOR TAHAY HALLA DABAQABTO.

Wa billahi al tawfiiq

W/Q: Cabdiraxman M. Cumar

RIYADH KSA

COMMENTS
LINKS