Baarlammaanka Ukraine oo Madaxweyne ku meelgaadh ah magacaabay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baarlammaanka Ukraine oo Madaxweyne ku meelgaadh ah magacaabay.
February 24, 2014 - Written by Wariye:

ukraine4Ukraine-(Wajaale News):-Baarlamaanka Ukrain ayaa u doortay afhayeenka baarlamaanka inuu noqdo madaxweyne ku meel gaadh ah, maalin kadib markay xukunka ka qaadeen Victor Yanukovych mudaaharaadyo looga soo horjeedo kadib.

Afhayeenka baarlamaanka Oleksander Turchinov, ayaa ku guubaabiyay xildhibaanada inay ku heshiiyaan dowlad ku meel gaadh ah Talaadada.

Afhayeenka baarlamaanka waxay isku dhow yihiin, Ra’iisalwasaarihii hore Yulia Tymoshenko oo xabsiga laga soo daayay shalay.

ukraine

Madaxweyne Yanukovych ayaa ka tagay waddanka, waxaana la bixiyay amar lagu soo xidhayo saraakiisha sare ee dowladda.

Baarlamaanka Ukrain ayaa kulmay si ay uga tashadaan mustaqbalka siyaasada. Xildhibaanada ayaa ka dooday magacaabida Ra’iisalwasaare iyo dowlad ku meel gaadh ah, ka hor doorashada madaxweynenimada ee dhici doonta May.

Lama oga meel uu jiro madaxweyne Yanukovych, wuxuu talaabada baarlamaanka ku tilmaamay mid afgambi ama xukunka looga qaaday, iyadoo sabtidii shalay ilaalada xuduuda ayaa lagu soo waramayaa inay ka hor istaageen inuu diyaarad ku galo Ruushka.

Dagaalo maalmo socday oo u dhaxeeyay dadka mudaaharaadaya iyo ciidamada ammaanka ayaa dilay in ka badan siddeetan qof. Fagaaraha xoriyada oo dadka isugu imanayeen ayaa hadda dagan.

Boliiska ayaa sheegay inay raadinayaan laba masuul oo ka tirsanaa dowladda.

BBC

 

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com
Reporter:Aabdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS