Al Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Duqeynta Muqdisho Iyagoo Sheegay In Ay Sii Wadi Doonaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al Shabaab Oo Sheegatay Masuuliyada Duqeynta Muqdisho Iyagoo Sheegay In Ay Sii Wadi Doonaan
February 5, 2014 - Written by Wariye:

shabaabXarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada madaafiic habeenadii la soo dhaafay lagu garaacayay intaba badan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ugu magacaaban Gobalka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Jabal oo warbaahinta Shabaab ku hadasha la hadlay, wuxuu sheegay inaysan joojin doonin falalka ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in xilligan ay tahay waqtigii soo afjarida dagaalada, maadaama buu yiri Muqdisho xilligan laga harsan la’yahay oo laga hooyan la’yahay.

Sheekh Cali Jabal, wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku adkaan doonto inay ku sugnaadaan Gobalada dalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in Dowladda ay isugu tagi doonto Magaalada Muqdisho oo xitaa aysan ku nabadgeli doonin.

Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Gobalka Banaadir

Sheekh Cali Jabal, wuxuu markale digniin ujeediyay shacabka Soomaaliyeed oo uu kaga digay inaysan ka agdhawaan xarumaha Dowladda iyo Hay’daha ku sugan Magaalada Muqdisho.

Labo habeen oo isxaga reer Muqdisho waxa ay maqlayeen dhawaqa madaafiic culus oo degmooyinka Gobalka kamid ah kusoo dhaceysay.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS