AFHAYEENKA XUSBIGA WADANI EE GOBOLKA GABILEY OO XUKUUMADA KU EEDEEYAY FARAGALINTA QAAWAN EE AY GOLAHA WAKIILADA DHEXWADO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
AFHAYEENKA XUSBIGA WADANI EE GOBOLKA GABILEY OO XUKUUMADA KU EEDEEYAY FARAGALINTA QAAWAN EE AY GOLAHA WAKIILADA DHEXWADO
February 10, 2014 - Written by Editor:

GABILEY WAJAALENEWS ,Afhayeenka xusbiga wadani ee gobolka gabiley Da,uud abiib axmed ayaa si kulul u canbaareeyay fara galinta xukuumadu ku hayso golaha shircidajinta fara galintaasi oo lagu eedeeyay xukuumadu  da,uud abiib axmed ,oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yidhi  madaxwaynuhu wuxuu leeyahay wax fara gal kuma hayno ,koox wasiiro ah oo xukuumadiisa katirsana ilaa lodon ayay soo han jabayeen ,isagoo hor fadhiyo madaxwaynuhu,

Hadaba ,arintaasi waxaan u aragnaa dhuumasho dhabarku muuqdo,dalkana kasocon mayso intaad wax walba faraha lagashaan, hadana waxba sixi waydaa waxaan isleeyahay mashruucan ma istanbuul ayaad kasoo qaadateen.hadiiba ay jirto cid mashruuc kasoo qaadatay istanbuul yaynoqon mid qaranimadeena burburisa, wada jirkeenana wax u dhima, dadka waxaasi ku kacaana waa dad aan ogoyn ,

Waxaa la ogaa sida aad u boobteen doorashadii golayaasha deegaanka, hadana waxaad doonaysaan in aad golahii wakiilada baabiisan taasi waa min aan dhacay, yuu yidhi

AFhayeen Daa,uud oo hadalkiisii sii wataana wuxu yidhi

Golaha guurtida Somaliland waxay caan ku ahaayeen in ay badbaadiyaan Somaliland maalinta ay ugu daran tahay waan soo dhawaynayaa soo dhexgalida moranka golaha wakiilada waxaan leeyahay ka qaata doorkiinii aad caanka ku ay haydeen somalilandna ku badbaaday

Xukuumadu marka ay wax wanaagsan wado waa lagu taageerayaa marka wax kaqaldamaana waala saxayaa   kawaantooba burburka aad kawadaan dalka iyo sharciga aad doonaysaa in aad ku tumataan,soconamayso in aad marba meel dabka qabad siisaan;ayuu yidhi,

Afyeen da,uud ayaa wuxuu ku taliyay inla dhawro wada jirka bulshada somaliland oo kusoo caano maashay isku tanaasul, iyo wax wada qabsi ayuu yidhi

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS