|
|||||
WAJAALE NEWS
Afar Qof Oo Shacab Ah Oo Ku Dhaawacantay Qarax Manta Ka Dhacay Magaalada Kismaayo.
February 22, 2014 - Written by Wariye:
Afar qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay qarax miino oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba. Qaraxa ayaa ka dhacay waddo marta xaafadda Faanoole ee magaalada Kismaayo,waxaana lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka KMG ah ee Jubba. Weriyaasha ku sugan gobollada Jubbooyinka ayaa ku soo warramaya in dadka ku dhaawacmay qaraxa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladdooda caafimaad. Wararka ayaa intaas ku daraya inuusan jirin wax khasaare ah oo qaraxa ka soo gaaray ciidamada la bar-tilmaameedsaday. Wajaale News Related posts:DAAWO ; Suldaanka Guud Ee Beelaha Sacad Muuse Oo Khudbad Dardaaran Iyo Duco ah ka Jeediyay Madashii... Daawo:Sucuudiga Oo Lacag Ku baadi Goobaya Baabuuurtii Hore Ee Dunida Soo Martay SidaKaraasiidaha,UD... Maayrka Kuxigeenka Caasimada Hargeysa Oo Dalka Britan Ugu Baxaya Martiqaad Uu Ka Helay Maayarka Pris... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|