Abwaan Hadraawi oo Farriin u diray Golaha wakiilada iyo Dhalinayrada dalka ka suudalaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Abwaan Hadraawi oo Farriin u diray Golaha wakiilada iyo Dhalinayrada dalka ka suudalaysa.
February 11, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA WAJAALENEWS ,Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ayaa baaq u jeediyey golaha wakiilada Somaliland ee maalmihii ugu danbeyey muranka Siyaasadeed uu hadheeyey, waxaanu u soo jeediyey in ay iska ilaaliyaan wixii dhag xumo u keenaya qaranka somaliland.

Abwaanku wax kale oo uu ka hadlay dhalinyarada dalka ka tahriibaysa oo uu sheegay in madaxda qaranku ay qorshayaal u sameyso.

Sidaasi wax uu ku sheegay mar ay maanta Warbaahintu wax ka waydiisay Abwaanka muranka siyaasadeed ee golaha wakiilada ka dhex curtay.

Abwaan Hadraawi oo ugu horeyn ka hadlay baaqna u diraya Golaha wakiilada ee shacabku soo doorteed waxa uu yidhi. “Horta dheg ka maqal ayey igu tahay wixii halkaasi ka dhacay, hayeeshe wax golaha wakiilada ka jira  iyo warka laga sheegayaa wuu iska badan yahay oo meel walba waa lagu qoray, lakiin anigu haaddii aan wax ka idhado arrintaasi golahan aynu ka hadlaynaa kaalin ayaa loogu tallo galay in ay qaranka ka qaatan hawlihiisa oo shacabka soo doortay oo waala xishmadeeyey, oo waa lamaamusay, waana la darajeeyey, dabadeetana kuraastii ayaa lagu fadhiisiyey, waxay ahayd in ay ka jawaaban ummada dadaalkeeda iyo kalgacalkeeda, laakiin marka ay arrintaasi oo kale dhacdo shacabku wuu murugoonaya waayo dadaalkii ay ku bixiyeen ayey xusuusanayaan, golahan shacabka reer Somaliland waxay u doorteen in kaalintii loo diray ka soo baxan oo dadka wax u qabtaan oo dalkan iska dhibaataysan ay hagaajiyaan lakiin in iyaguu buuq abuuran ma ah, laakiin odhan mayno golaha wakiiladu waa Ri’ isnuugtee, oo iyaga laftigooda canaanta ku badane is hagaajiya ayeynu leenahay.”Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalka sii watan wax uu yidhi. “Golaha wakiilada waxaan ugu baaqay hore ayaa loo yidhi caanno daatay dabadood la qabaye, muranka kadaaya shacabkii idin soodortay, haaddii aad wax kale kari kariweydeen maamus iyo daganaan shacabka kula noolada, oo nabadgelayda illaaliya oo sharaftiina illaaliya”Ayuu yidhi.

Dhanka kale Abwaan Hadraawi Wax uu si kooban uga hadlay Dhalinyarada Reer Somaliland ee ka Suudalaysa ama tahriibaysa waxaanu yidhi “Ummad dhulkii ay lahayd ee ay milgo iyo maamus ku lahayd in ay ka cararto oo ay ka suudalaan ma ah , taasi waxay ku tusaysaa xaqiiqada ka jirta dalka, oo dee dal dhan oo la joogi kariwayey, marka inta hogaanka ahi ee umadani ay diratay waxay ahayd in muraadad ummada in ay fulliso oo daw bixiso , oo mushkiladaha dhacaya la xaliyo tallo doortay taasi weeyi, oo dhaliyaradu dalka ku sugnaato.”Ayuu yidhi Abawaan Hadraawi.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS