Daawo: Iran Oo U Dabaal Degaysa 35-Guurada Ka Soo Wareegtay Curashadii Kacaanka Islaamiga Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Iran Oo U Dabaal Degaysa 35-Guurada Ka Soo Wareegtay Curashadii Kacaanka Islaamiga Ah.
February 12, 2014 - Written by Wariye:

Tehran(Wajaale News):- Waxa dalka Iran laga xusay shan iyo sodon guurada ka soo wareegtay, curashadii kacaanka Islaamiga Iran ama kacaankii Khumayni sida dadka qaarkood ugu yeedhaan, xuskan ayaa ku soo beegmaya wakhti dalkaas uu madaxweyne ka yahay hogaamiye qunyar socod ah, isla markaana wada hadal ka furay, barnaamijka nukliyeerka dalkiisa ee muranka badani u dhexeeyo reer galbeedka.

Hadal uu fagaaraha ugu wayn magaalada Tehran ee caasimadda Iran ka jeediyay Madaxweyne Xasan Ruxani ayuu kaga hadlay, dalkiisu ahmiyada uu ka leeyahay wada hadalada iyo barnaamijka nukliyeerka, waxaanu si adag u weeraray dadka nabad galyada ka soo hor jeeda, isagoo sidoo kale tilmaamay in barnaamijka Nukliyeerka Iran yahay mid nabad galyo oo aan waligii la joojinayn.

 

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com

Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS