Laamiga isku xidha Burco iyo Berbera oo Dayac badani la soo dersay iyo Biriij 7 sano go’an. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laamiga isku xidha Burco iyo Berbera oo Dayac badani la soo dersay iyo Biriij 7 sano go’an.
February 11, 2014 - Written by Wariye:

buurta-Sheikh-Burco(Wajaale News):-Laga soo bilaabo Tuuladda Galooley ee u dhaxaysa Burco iyo Magaalada Sheikh ilaa Kantaroolka laga soo galo magaalo xeebeedka Berbera, bur-bur laxaad leh iyo dayac ayaa soo foodsaaray Jidka laamiga ah.

Gaadiidka isaga goosha magaalooyinkaasi ayaa dhibaatooyin dhanka socodka ah kala kulma laamiga marka ay ku safrayaan.

Galoolay ayaa ka tirsan Gobolka Togdheer, hase ahaatee meelaha ugu daran ee Laamigu ka bur-buray waxa ka mida inta u dhaxaysa Sheikh iyo Berbera, gaar ahaan marka Buurta sheikh laga soo daadego ee dhinaca Hudusay loo soo kaco ilaa Geel loo kor iyo tulooyinka kale ee labada deegaan u dhaxaysa.

Wariye ka tirsan Gobanimonews oo ku safray jidkaasi ayaa indhihiisa ku arkay meelo ka mida laamiga oo ay boholo waaweyni ka qodmeen iyo dil-dilaac iyo godad ka qodmay, taasoo rafaad iyo socod xumo ay kala kulmaan baabuurta iyo dadka ku safrayaa.

Wariyaha ayaa arkayay Gaadhiyaal marista laamigaas ka door bidaya meelo raf ah oo ay uga leexanayaan laamiga googo’an, taasoo tilmaan buuxda ka bixinaysa dayaca wadadan.

Dhinaca kale, Buundo  7 sanadood ka hor ka go’day meel wax yar dhinaca Waqooyi kaga beegan tuulada Hudusay ee ku qabsan Buurta Sheikh, ayaan wali la dhisin, taasoo ilaa markii ay go’aday Baabuurtu masaafo hal  Kiloomitir ah laamiga ka leexdaan, islan markaana ka gudbaan Waddo rafa oo ka gudubta Dooc weyn biyo mareen ah.

“7 sanadood muddo gaadhaysa ayay Bundadani go’nayd cid wax ka qabatayna ma jirto ilaa hada”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida Waddeyaasha Gaadiidka isaga goosha Burco iyo Berbera oo ka talaabayay Laag ay fadhiyaan biyo oo wadada rafka ahi marto.

Cabdiraxmaan Gees, ayaa intaasi ku daray “bundadaasi wax loo samayn waayo garan maayo, waxaanse maqlay in laba qolo isku haystaan dhismaheeda, xukuumadduna waxaad moodaa inay iska indho tirayso”ayuu hadalkiisa raaciyay.

“walaahi dhibaatooyinku way iska badanyihiin Laamiga aanu kala kulanaa, wuu bur-bursanyahay, taayirka gaadhiga meel u fiican maaha, laamiga qaarkii markaad marayso”ayuu hadalkiisa ku daray.

Buurta Meer-meerka laamigu kaga talaabo ee Shiekh ayaa ah goob caan ku ah Shilalka Gaadiidka, waxaana sabab looga dhigaa baabuurta ku gaddoonta waddeyaasha oo ku wareera socodka wareega ah ee lagu marayo.

Laamiga ayaa dhawr goobood ka godad ku yeeshay Buurtaasi dusheeda, taasoo sii laba jibaartay halista socodka lagu maro ku gedaaman.

Xukuumadda Somaliland ayaa bilihii ugu dambeeyay Olole ugu jirtay horumarinta Waddooyinka dalka, iyadoo Golaha Xeer dejinta laga ansixiyay cashuur dheeraad ah oo la doonayo in lagu horumarinayo waddooyinka dalka oo dhan.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dabeyaaqadii sanadkii hore dhagax dhigay bilwoga waddo isku xidhi doonta Ceerigaabo iyo Burco, taasoo dawladdu sheegtay in iskaa wax u qabso lagu bilaabayo.

Marka la eego himiladda noocan ee la bar bar dhigo dayaca iyo baylahda ka muuqata Laamiyadii hore u jiray ee xudunta u ahaa isu socodka magaalooyinka waaweyn iyo Gobollada  dalka, waxa maankaaga ku soo dhacaysa isweydiin odhanaysa “maxaa horta loo daryeeli waayay Jidadka samaysan inta aan la bilaabin Laamiga Ceerigaabo”?.

Geesta kale, waxa isweydiin mudan cida wax dayac-tiraysa waddooyinka hore, hadii dawladdu cashuur iyo qaadhaan wixii gacanteeda soo gala ay ku kharash garayso Laamigaa ceerigabo oo Malaayiin Dollar ku baxayso.

Inkasta oo aanay taasi macnaheedu ahayn yaan la sameyn Laamiga Ceerigaabo inta waddooyinka kale  sidan yihiin, hadana waxa lagama maarmaan ah inaanay Xukuumaddu sida ka muuqata awoodda saarin sidii ay lacag ugu raadin lahayd waddada aan la bilaabin wali, iyadoo kuwii gaadiidka cashuurta laga doonayo iyo mawaadiniinta dalku ku safri jireen Rafka ka socod xunyihiin.

“Wasiir Xirsow Midho Geed saaran kuwo Gacantaada ku jira looma daadiyo”.

Wariye Saleban Kalshaale

Gobonimonews editor

Email: editor@gobanimonews.com

Tel: 0634229772

COMMENTS
LINKS