50 Haween Ganacsato ah oo magaalada Hargeysa ka Furay Carwo ganacsi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
50 Haween Ganacsato ah oo magaalada Hargeysa ka Furay Carwo ganacsi
February 25, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS) Magaalada Hargeysa ayaa Maanta lagu qabtay Carwadii ugu horeysay oo u gaar ah haweenka Ganacsatada ah ee Somaliland kuleh ganacsiga waaweyn, Carwadaasi ayaa wax ka qaybgalay 50 Haween Ganacsato ah.

Halkudhiga Carwadan ayaa wax  uu yahay “Badhiga Carwada Ganacsiga  ee Bisha  Halbuurka Haweenka Ganacsatada ah.”

Munaasibadii xadhiga lagaga jarayey carwadaasi cusub oo muddo 2maalmood ah ka socondoonta Hotel Maansoor ayaa wax ka qaybgalay wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Maalgashiga Bashiir Cabdi Xariir, Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Marwo Shukri Xariir  iyo Masuuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga .

Carwadan ayaa wax soo diyaarisay oo isku soo dubo riday Hay’ada ILO oo gacan maaliyadeed ka helaysa Midawga Yurub.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS