Yaa Gabay Xilkii Tiir-dhexaadka Ummadda. W/Q: Cabdiraxmaan Badal Cumar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Gabay Xilkii Tiir-dhexaadka Ummadda. W/Q: Cabdiraxmaan Badal Cumar
January 3, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(wajaalenews) Dal ama ummad meel ku dhaqan mustaqbalkeeda waxaa laga saadaaliyaa ama laga garankaraa da’yarteedu nooca ay tahay iyo sida ay udhaqanto.

Qof kasta oo adduunka ku nool waxa ugu badan ee uu ku hammiyaa waa ubad ama caruur, waxaad arkaysaa qof xiiqsan oo markaad su’aasho kuugo jawaabaya waxaa layga doonayaa iskuulkii caruurta ama biilkoodii, laga bilaabo bulshada ka ugu hooseeya ee yoomlaha ah ama qaadaa ma-dhergaha ah illaa keena ugu sarreeya waxaa loo cararayaa ama loo deddaalayaa waa sidii ay caruurtooda ama qoyskiisa uu ugu heli lahaa nolol haba kala sarraysee oo ha kala duwanaatee.

Haddaba innagoo arkayna muhiimadda weyn ee ay leeyhiin da’yartu ama ubadku aynu yara milicsano hab dhaqanka da’yarteena. Marka hore innagoo is-weydiinayna ku-talo-galka wadareed ee bushada reer Somaliland, gaar ahaanna siyaasad cad oo aynu u yeelano Ubaxeena aynu ku faanno [da’yarteenna], muxuu noqonayaa xuquuqda ay innaga mudan yihiin iyo xilka iyaga fuuli doonnaa?. Ma jirtaa/Ma dhacday meel la isugu yimi iyo qorshe aynu shicib ahaan amaba xukuumad ahaan aynu ku rejo gelinayno midhaha mustaqbalka dhaw iyo ka fog ee dhalinta dalka?. Ma jirtaa barnaamij cad oo ay dejisay xukuumaddu oo ku qotoma ama ku salaysan da’yarta hadda joogta iyo kuwa soo socda?.

Waa sidee goobaha ay xukuumadu ugu talagashay in loogu adeego dhalinyarada ama da’yarta?. Habka ama qaabka uu waalidku ugu dadaalayo ubadkiisu ma ka turjumaysaa ama ma tahay mid damaanad qaadaysa isla markaana u horseedaya mustaqbal fiican ubadkiisa?. Ma iska xilsaaraa oo maka fikiraa waalidku mustaqbalka soo socda ee ubadkiisa? Mise wuxu ka fakiraa ama uu culayska saaraa inuu baahidiisa nololeed ee hada taagan oo kaliya daboolo sida wixii uu cuni lahaa, wuxuu xidhan lahaa iyo haddii uu awoodo iskuulka uu tegi lahaa?.

Weydiimahaas oo idil si aynu jawaab ugu helno, aynu u fiirsano xaaladda dalka gaar ahaan da’yarta iyo dhawaaqyada ka soo yeedhaya bulshada iyo xukuumadaba ee ku waajahan da’yarta, waxaad maalin kasta maqlaysaa qof ku leh xalay anoo sii hoyanaya ayaa waddada laygu baadhay oo waxaa ibaadhay dhalinyaro midiyo sita, waxaad kale oo arkaysaa bilays (police) meel ku sii qulqulaya markaad dadka waraysatana waxaad ogaanaysaa oo dadka meeshaa ka ag dhawi kuu sheegayaan in koox dhalin yaro ahi ay soo weerareen xaafadda iyagoo ujeeddada ay u socdeen marka hore ay ahayd inay bar-tilmaamsadaan dhalinta xaafada degan balse aan u aabo yeelayn wax kasta oo kasoo hor bax naf iyo maalba, waxaad kalood arkaysaa ama maqlaysaa saldhigyada bilayska oo la xuurtoonsan qabqashada ama maxkamad gaynta dhalinyar ku eedaysan kufsi dhac iyo wax kaloo la mida markaad aragto adiguna aanad is odhanayn kuwanaa wax sameeyay muuqaal ahaan iyo da’ ahaanba waayo sawirka dadku ka haystaan cidkasta oo u banbaxda inay wadooyinka habeenkii wax ku baadhaan iyo muqaalka dhalintan ku eedaysan budhacdu aad bay ukala duwan yihiin waayo sawirka ama fikirka ay dadku kahaystaan qofka wadooyinka habeenkii wax ku baadha waa qof ay kamuuqato inuu nolosha gabi ahaanba ka dhacay isla markaana isticmaala maandooriyayaal balse kawa imika habeenkii wadooyinka istaagaa maaha kuwa astaamahaas leh ee waa qaar aan ka muuqaal dawanayn kuwa qofkasta xaafadiisa kula nool da’ ahaana aad ayay u yar yar yhiin oo waxay umuuqdaan kuwo aan wali dhamayasan dugsi dhexe ama ku jira sanadaha ugu horeeya ee dugsiga sare, waxaa kale oo aad maqlaysaa waalid ka cabanaya wiilkiisii oo kudhaqma dhaqamo aan raaligalinay kawaalid ahaan isla markaana aan ku faraxsayan ama ka warwarsan inuu wadadaa ku sii socdo isagoo dareensan halka ay wadadaasi ka ridayso wiilkiisa, inta badan arimahaasi waa kuwo inagu cusub maalinba maalinta kadanbaysana isasoo taraya ama soo badanaya.

Waxa kale oo intaa dheer balwadaha ay ka midka yihiin cunista qaadka iyo cabista sigaarka oo aad ugu sii badanaya bushada gaar ahaan dhalinta ama da’yarta markaad barbardhigto waqtiyadii aynu soo dhaafnay ee dalku xaaladaha adag ku jiray ama xukuumadu awoodaha dhaqaale iyo maamul ee ay hada leedahay aanay lahayn waalidkanu ay la xuuratoonsanaayeen baahida aasaasiga ah oo qudha.

Qaadka iyo sigaarku waxay kamid ahaan jireen balwadaha qudha ee looga baqo dhalinyarada isla markaana ahayd aafada qudha ee haysta bulshada haba sii korodhee waxaaba ka daray aafo cusub oo aan aad loo wada dareensanayn ama si fiican looga warqabin, waa maxay aafadaasi? Waa balwad xun oo inagaga timid wadamada dibada isla markaana wadamada aduunka gabihaan ama inta badan mabnuuc ka ah waa maandooriye sida sigaaarka loo cabo, noocyo badan ama habab kale oo kaladuwan oo aanay bushadu aad u dareemi Karin loo isticmaalo taasoo halis aad iyo aad u wayn ku ah mustaqbalka dhalinyarada hadaan xal dagdaga loo raadin waxaana layidhaa maandooriyahaa (Xashiishad).

Waxa kale oo aad arkaysa ama aad maqlaysaa dhulkaa waa laysku haystaa oo waxaa iibiysay dawlada tolow yaa iibsaday? Waxaa iibsaday mid kamida waalidiinta ku dhaqan magaalada, oo meeshu maxaa markii hore loogu talagalay ileen way banaanayd oo horeba waa loo dhisan waayee? Waxaa loo qorsheeyay garoon kubadeed, xarun caafimaad iyo arimo kale oo muhiim ah, hadda kudarsoo ka iibiyay ee dawlada ka tirsani ileen dawladu talo guud kumay iibine waa mid kamida waalidka magaalada,dhanka kale hadaad ufiirsato ama aad yara daba gasho qofkasta oo si qaldan ama aan waafaqsanay nidaamka saxda ah ee ay tahay in hawlkasta oo la qabanayo loo maro baalmara islamarkaana caadaysta laaluushka, kudanaysiga waxyaabaha bushada kawada dhexeeya, iibsashada ama iibinta hantida dadwaynaha waxaad ogaanaysaa in sababta ku kaliftay inuu sidaa udhaqmo ay tahay in isaga iyo reerkiisu ay ku noolaadaan nolol fiican, hadaba ma nolol fiican ayuu uraadinayaa mise isagaa gacatiisa ku keenay inuu kawarwaro mustaqbalka sii xumaanaya ee ubadkiisa? Miyaanu isagu iiban ama iibsan halkii ay ku ciyaari lahaaayeen caruurtiisu?Haa isagaa iibayay ama iibsaday waxaanu rabaa inay caruurtiisi kabadbaado inay kubiiraan kuwa balwdaha isticmaala, Miyuu umeeldayay dhaqaalaha uu ku korinayo caruurtiisa habka ay usoo galayaan iyo meesha ay ka soo galayaan? Maya isagoo ay isugu mid tahay xalaasha iyo xaaraantu ayuu doonayaa caruurtiisu inaanay noqon kuwa dadka dhagax ku dilaya ama habeenkii wadooyinka istaaga ee dadka baadha, hadaba miyaanay kaaf iyo kala dheeri ahayn?

 

Dhanka kale dawlada waxaad is odhanaysaa arimahaa aynu kor kusoo xusnay wax culaysaba kuma hayso oo maba dhaadana ama umaba qabaan in arintaasi ay lafjab ku tahay qaranka hadii ay sidaa kusii socoto markaad eeg waaxaha ama qaybaha qaabilsanaa jahaynta ama wado ujeexista da’yarta waa wasaarada dhalinyarada ciyaaraha, wasaaradu dhisme ahaan iyo maamul ahaanba waa mid wasaaradah kale la siman laakin shaqo ahaan ka hoosaysa markaad barbar dhigto wasaarada qorshaynta iyo maaliyada waayo midna lacagtay soo saartaa midina qorshaha qarankay samaysaa hadaba hadii ay dayacantahay cidii wax loo soo saarayay ama loo qorshaynayay maxay noqonaysaa, ma mooganaan baa jirta mise ahamiyada ay da’yartu leedhay ayaan la fahamsanayn marka wasiir aan ogaynba muhiimada ay wasaaradan qaranka uleedahay loo magacaabo iyadoo ama reer lagu dheelitiro, markaan sidaa leeyahay waxaan ujeedaa baahida jirta ee qof walba taabatay ee hadana aanay jirin wax qorshe ah oo ka soo socda dhanka xukuumada gaar ahaan wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha, kaliya waxaynu wasaaradaa maqalnaa sanadkii hal mar qudha oo la qabanayo ciyaaraha gobolada laakin wasaaradu shaqadiisu intaa way ka balaadhan tahay oo qaybtaa ciyaaraha oo qudha maaha ee waa meeshii laga jahayn lahaa da’yarta.

 

Allaa Mahad Leh

Cabdiraxmaan Badal Cumar

badal26@hotmail.com

COMMENTS
LINKS