Xisbiga Wadani Oo Sheegay In Aanay Waxba Kala Socon Natiijada Ka Dhalan Doonta Wada Hadalada Labada Wadan Ee Somalia iyo somaliland, Xukuumadana Ku Eedeeyay In Ay Taladii Isku Koobtay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiga Wadani Oo Sheegay In Aanay Waxba Kala Socon Natiijada Ka Dhalan Doonta Wada Hadalada Labada Wadan Ee Somalia iyo somaliland, Xukuumadana Ku Eedeeyay In Ay Taladii Isku Koobtay
January 4, 2014 - Written by editor

Waxa uu xukuumadda ku cambaareeyay xadhiga lagula kacay Badhasaab Ku Xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer

Hargeysa (Wajaale-News) – Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay xukuumaddu u maamushay ka qaybgalka wada hadalada Somaliland iyo Somalia, kaas oo dalka turkiga dib uga furmi doonaa.

Waxa ay sheegeen in ay xukuumaddu isku koobtay ka qayb galka shirkaasi, isla markaana ay dhinac isaga leexisay xisbiyada Mucaaradka ah.

Shirkan jaraa?id oo uu ugu horeyn ka hadlay Gudoomiyaha Gudida Siyaasada Arrimaha Dibada ee Xisbiga Wadani Dr. Maxamed Cismaan Fadal  ayaa waxa uu sheegay in xisbiga Wadani

aanu aqoonsan doonin wixii ka soo baxa shirkaasi labada wadan dhex mari doona, waxaanu yidhi

Waxaanu doonaynaa shirkan  jaraa?id ee xisbiga wadani Maanta Qabanayo Inaanu kaga hadalo  shirka turkiga ee loo baxayo oo ku saabsan siyaasada arimaha dibada, waxa aynu wada ogsoonay in wasiirka arimaha dibada somaliland uu xalay iclaamiyey in somaliland ay ka qayb galayso shir turkiga ah, waxa aynu wada ogsoonahay in shirarkaas turkiga loo tago waynu wada ogsoonay kii ugu danbeeyey doodii dheerayd ee laga galay.

xisbiga wadani marwalba waxa uu ka hadlaa danaha dadka isaga oo matalaya shacabka reer somaliland.

Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa sheegay in bulshada reer somaliland ay xaq u leedahay in la ogeysiiyo shirarka lagaga hadlayo masiirkooda, waxaanu yidhi ?Xaq ayay bulshadu u leedahay shirarka lagaga qayb-galayo magaceeda Gaar ahaan kuwa lagaga hadlayo masiirkeeda waa in ay ogadaan shirkaas ay dawladoodu ajandaha ay la tagayso,dalkan somaliland waa dimuq-raadiyad, dal dig-taatooriya maaha qofna  jeebka kuma qaadan karo masiirkiisa, Dawlada Waa La Doortay Shirarka Way Ka Qayb Gali Kartaa Lakiin Shirkaas ay Xukuumadu Ka Qayb Galayso Miyey Xisbiyada Mucaaradka ah U dhanyihiin oo Talo Laga siiyey Mise Kaligeed ayaa Jeebka ku Shubatay?

Waxa uu intaasi ku daray in ay jirto cabudhin badan oo ay xukuumaddu ku hayso xisbiyada Mucaaradka ah, taladii wadankana ay kelideed isku koobtay, waxaanu yidhi?Waxa la filayey oo hore looga hadlay oo in badan La sheegay oo maanta taagan cabudhin xad dhaaf ah oo lagu hayo dadka reer somaliland Waxaana ku Haysa Dawladii ay Doorteen Madaxdoodu Ma Ogala In Ay Shacabkeeda waxa u sheegto waxa yaabaha ay Somaliya kala hadlayso Arintaasi Waa Mid Nuqsaan Xukuumada Kulmiye Ku AH.

Waxaan Anigu Markaas Umalayna Kolay Dastuurkii Somaliland waxa uu Jidaynayaa ama Ku Cad In Somalia Iyo Somaliland ay Kala Yihiin Laba Dal, Markaas waxa laga wado hadlayo Maaha Arin Mada-Madow Gali Karo.

Sidoo kale waxa uu xukuumada usoo jeediyey inay talada lawadaagto labada xisbi mucaarad  iyo dadka soo doortay waxaana uu yidhi?Waxaan U soo jeedin lahaa in labada xisbi mucaarad loo yeedho,  Golayaasha barlamaanka talada waxa laga siiyo, saladiinta iyo bulshada rayidka talada waxa Looga Dhiibo, Arinka Somaliya Loola Tagayaana Uu Noqdo Mid Aynu Gudaheena ku Dhamayno, Anaga Xisbi Mucaarad Ahaan Shirka Lala Tagayo Ee Xukuumada kulmiye Kaligeed Isku Koobtay Waxba Kama Ogin?

Mar Uu la hadlayay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, waxa uu yidhi ?Wasiirka arimaha dibada ee kaligii talada goostay miyaanaan talada la lahayn, yaa laga qarinayaa miyaanan anagu ahayn kuwii sharciga iyo dastuurka dalka uyaala haday xukuumada ka talaabsato kuwii toosin lahaa anagu miyaanan ahayn.

Waxaan leeyahay anigu dawlada kaligeed la dhuumanaysa in ay ka qayb gasho wada hadalada somaliya iyo somaliland ee baritoole ku furmaya dalka Turgiga anaga cid namay ogaysiin cidna nagamay talo siin ee waxii ka soo bax anigu xisbi mucaarad ahaan kama masuul nihin kumana raacsanin.

Dhinaca kale Hanti dhawrka Guud Ee Xisbiga wadani Xasan Xuseen Codyare oo isna shirkaasi jaraa?id ka hadlay ayaa sheegay in xaalada guud ee Somaliland ay marayso halkii ugu hoosaysay.

Waxa uu xukuumadda ku cambaareeyay xadhiga lagula kacay Badhasaab Ku Xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer iyo waliba Mudaharaadkii lagaga soo horjeeday Booqashadii uu Oodweyne dhawaan ku tagay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

?Sida Aad wada ogaydeen waxa maalmahanba ka taagnaa Magaalada Burco iyo Oodwayne dhibaatooyi badan oo loo-gaysanayey shacabka goboladaasi ku nool kuwaas oo cagata lamariyey loona adeegsaday ciidanka loogu tala galay argagixisada Ee RRU kuwaas oo shacabkii la dhacay xabad nool xabsigana ka buuxiyey dadkii shacabka ahaa.

taasba waxa kasii daran dadkii nabada ku hoydey oo gurigoodii loogu daatay caruurtii laga sasiyey qaarna ilaa hada ay kooma ku jiraan.

Markaas waxaanu leenahay waar dadka sida halaga daayo oo dalka haloo tudho xukuumaduna dadkii soo doortay yaanay u adeegsan awood lagu muquuniyo.

Ninkaas (Guuleed Daahir Samatar) ay ciidanku qaateen waxa uu ka mid ahaa madaxda sarsare ee xisbiga wadani waxaan la odhan  jira Guuleed Daahir Samatar horena waxa uu u ahaan jiray guddoomiye ku xigeenka Gobolka Togdheer  isaga oo hurda ayaa ay ciidanka RRU U daateen Habeen madowna ay qaateen markaas dadka iyo dalka haloo tudho Ayaan odhan lahaa dalkan sidan halaga daayo.

Wajaale News Desk

Hargeisa Office

COMMENTS
LINKS