Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Caddeeyey Doorka Sharci Ee Golaha Wakiilladu Ku Leeyahay Heshiisyadda Caalamiga Ah Ee xukuumaddu Gasho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Somaliland Oo Caddeeyey Doorka Sharci Ee Golaha Wakiilladu Ku Leeyahay Heshiisyadda Caalamiga Ah Ee xukuumaddu Gasho.
January 6, 2014 - Written by Wariye:

Hargeysa(Wajaale News): Afar Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka hadlay muran sharci ee ka taagan doorka sharciyadeed ee ay Golaha Wakiiladu ku leeyihiin heshiisyada Caalamiga ah ee xukuumaddu gasho,isla markaana waxay ka dalbadeen Xisbiyada mucaaridku inay wixii horumar umadda u ah inay dhaliisha ka dayaan.

Magacyada afartan xildhibaan ayaa kala ahaa Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac),Xildhibaan Mahdi Xaaji Cabdilaahi, iyo Xildhibaan Aadan Xaaji Diiriye (Sanqoole) ayaa waxay maantay Shirjaraa?id ku qabteen Huteelka Lake Casal ee Magaalada Hargeysa.

Waxaanay Xildhibaanadani ku eedeeyeen xisbiyada mucaaridka inay si indho la?aan ah u weeraraan shakhsiyaad xukuumadda ka tirsan oo masuuliyiin ah, laakiin aanay si qaran waxba u dhaliilin,isla markaana waxay Xisbiyada mucaaridka ah ka codsadeen inay ka daayaan hadimada iyo hagar-daamada dhaawaci karta maalgashiga,waxaanay iftiimiyeen doorka sharci ee golaha wakiiladu ku leeyahay heshiisyada xukuumadu gasho.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi
Ugu horeyn Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi ?Baryahan waxaa badatay dad faro-baddan oo ka hadlaaya hawalaha ku saabsan shirkaddaha dalka yimaada,sidaad la socotaan dalkeenu waa dal sabool ah hantida ugu weyn ee aynu leenahay waa  xoolaha nool oo intooda baddanin ka yimaadan Soomaalida Ethiopia, dalkeenan waxa ka jira dhibaatooyin baddan oo ay saboolnimadu keentay  oo ay tahriibtu ka mid tahay oo haddii shaqo la?aantu sidaasi ku sii socto  oo dhaqaale xumaddu sidaa ku sii socto nabad-galiyada aynu majeerano sii jirimayso isha kaliya ee muuqata ee lagaga bixi karaa waa in la helo shirkaddaha awood u leh inay dalka maalgashadaan,gaar ahaa khayraadka dabiiciga ah.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi ?Waxaa badatay in xildhibaanad qaar kood iyo xisbiyada mucaaridka ahi ay  dhowr jeer oo isku xigta ka hadleen arrinta khayraadka dabiiciga ah ku saabsan iyo sidey xukuumaddu u maamusho.Haddaba anagoon cid-na dhalaaceynay waxaanu doonaynaa inaanu bayaamino halka ay taagan tahay iyo shaqad Golaha Wakiillada iyo xukuumadda ka dhaxeysa iyo baahida aynu maanta u qabno inaynaan la dagaalamin, isla markaana laga daayo aflagaadada meela qaar ka soo baxaysa. Shirkaddaha dalka yimaada hadaynu ku soo dhawaano kaalinta xukuumadda iyo kaalinta Golaha Wakiillada taasi Dastuurkeena ayaa si qeexan u kala cadeeyey,Waxaanu tilmaamayaa qodob u gaar ahi in xukuumadu masuul ka tahay horumarinta iyo adeegyada  laga shaqaynayo in la intifaacsado khayraadka dabiiciga waa qodob u gaar ah xukuumadda ka Golaha Wakiiladuna qobo ka hadlayaana waxa uu tilmaamaa in  wixii heshiis caalami ah ee culeys iyo raad ku yeelan kara  maaliyadda  waa in Golahu ansixiyo, markaa labadaa qodob markaad eegto in waxaad moodaa in dadka qaarkii dadka  si qaldan wax ugu sheegeen labadaa qodob mid waxa uu xukuumadda si gaar ah u sii nayaa inay heshiiskan gali karto tasrufaadkan ay leedahay kaa isaga muran kuma jiro, inkasta oo aanay soo waadin qolooyinkan ka hadlaa  ka ilaa xukuumaddii Cigaal ilaa  maanta ciddi-ba si u dhigeysaa waa ka ku saabsan awooda Golaha wakiillada ee wixii heshiis caalami ah ee leh culays maaliyadeed in laga ansixiyo Golaha wakiillada.

?Waxaan markaa leeyahay haddii ay qolooyinkaasi ka hadlay ee mucaaridka iyo xildhibaanada ka mid ahi haddii aanu hadalkooda wax ku jirin oo aanay wasiir gaar ah (Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale) weeraraynin maxay uga hadli-waayeen intaasi oo heshiis ayey xukuumaddu gashay oo uu ugu danbeeyey heshiiskii ay wasaarada Warshaduhu gashay miyaad maqasheen cidd leh maxaa heshiis-kaasi Golaha loo geyn waayey,markaa sharcigu ciddna maqabto ciddna maqaban-waayo?

Markaa waxaan leeyahay ha laga waan-toobo aragtida gaaban ta aanu doonayno inaanu bayaamino waa qadobkan ah heshiisyada caalamiga ah oo ay ku  xidhan tahay culeys maaliyadeed,haddii aan shirkaha ku soo noqdo  dalkeena jooga haddii aynu ka hadlayno culayis maaliadeed ma waxay leedahay shirkadu  marka ay wax soo saarto mise marka ay wax baadhista wado  waxaan qabaa in golaha wakiiladu xaq uleeyahay waxii culayis maaliyadeed leh inla  hore keeno golaha wakiilad laakiin ta aan culays maaliyadeed Waxaan qabaa in Golaha wakiiladu xaq u leeyahay in la keeno heshiisayada?.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Xildhibaan Mahdi Xaaji Cabdilaahi,iyo Xildhibaan Aadan Xaaji Diiriye (Sanqoole) waxaanay dhamaantood si ku mida uga uga difaaceen eedo ay hore Xisbiyada mucaaridka ahi ugu jeediyeen Xukuumadda iyo Wasiirka Macdanata iyo Tamarta Somaliland, kuwaas oo ugu baaqay inay Xisbiyada mucaaridka iyo qaar ka mida Xildhibaanadu ay ku taageeraan Xukuumadda talada haysa wixii horumar ah, oo ay dhaliisa ay markasta la taagan yihiin iska dayaan oo ay umadda rajo-geliyaan.

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:habane00@gmail.com
Reporter:Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS