|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille Oo Soo Saaray Maansadii Labaad Ee Silsiladii Garbo-diir kana Dhan ah Xukuumadda Siilaanyo (Dundumo Maydh)
January 28, 2014 - Written by Editor:Maansadan la magac baxdey (Dundumo Maydh) oo uu curiyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, Caawa oo ay taariikhdu tahey Xildhibaan maxamed faarax qabile oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland isla markaana xubnaha ugu mucaaridsan barlamaanka somaliland ayaa soo saaray maanso uu ku dhaliilaya xukunka siilanyo 28/01/2014.HARGEISA WAJAALENEWS ; Waxay daba socotaa silsiladii Garbadiir ee uu bilaabey Abwaan Axmed awgeedi ee sida qotoda dheer uga warameysey wacyiga jira, iyo marxalada adage e dalku marayo. Xildhibaanku wuxuu ku bilaabey sidatan:- 1. dedan maahee daalacan, 2. geedi wuxuu u duurxuley 3. deeley u halabsadey, 4. nabar doogtu furantoo 5. damqashiyo xanuunba leh, 6. cidi kuma duduucine 7. dareen buuxsamaa jira, 8. waqtigaa u direy hawl 9. dadku uu ubaahnaa, 10. duufaanadii carab 11. ku dirqiyey waxyeelada 12. tuuniisiya wixii durey 13. masar daadkii wadagaley 14. liibiya ku daadegay 15. dabridkeedii yamaniyo 16. suuriya wixii degay 17. dakharadaa xasuutale 18. waxa didiyey waa cadho 19. dabuub horaa waxey tidhi 20. foodsaar daleysnaa 21. dabasaarkii loo celi 22. dulucdeedu waxay tahey 23. sharcigoo la daahiyo 24. xeerarkoo la daba marey 25. waxaan doono aan falo 26. ruuxna yuu i dabagelin 27. sidaa waxa daliishadey 28. nin dookhiisa sahansadey 29. waa dirkii nabruudiyo 30. fircoon dala’asigiisii 31. dushuunbaa la taabtee 32. wali looma daadegin 33. waxa daafta kale yaal 34. dilaal iyo malaaliyo 35. dibjiradu alooseen 36. himiladii dadku lahaa 37. danabadu ku le’edeen 38. duunyadeena loo hurey 39. duubyadu ku laabmeen 40. badhna aakhiro u degay 41. dib inaan u celiyaa 42. dariiqyga maahee 43. dibindaabyo kale iyo 44. cadawgaan mar hore direy 45. inaan daawo lala gelin 46. marlabaadna lay dagin 47. dawgaynu hayno 48. daliilkiisa yaa saxey 49. maxaa ii damaanada , 50. afartaa daleeyaye 51. waxa aan ku darayaa. 52. dalka oo bukoodoo 53. cid dabiibta loo helin 54. eebaha deeqda bixiyiyo 55. daa’inkaan ka magangaley 56. su’aal baana daba taal 57. Xumaan daafaceediyo 58. Digarogoshodeedii? 59. abwaanadaan u dirayaa 60. iney doorkan keenaan 61. deelqaaf anoon ridin 62. waxan taa ku sii darey 63. d’a yartii dareertee 64. saxaraha ku dabar go’ay 65. ama raacey doonyaha 66. badahaa ku daakiyey 67. hilibkooda darabta ah 68. bahaluhu daldalayeen 69. ka dibirey libaaxiyo 70. kaluunkoo is daba galey 71. damanuhu ma moogyahey 72. dugayeeyda yeedhiyo 73. baroortaan mar qudha damin 74. ma damqadey ma jiidh naxey 75. dad ma dhaqe ma moogyahey 76. waxa didiyey maatada 77. waxa debad baxoodiyo 78. dabeyl raaca ugu wacan 79. waa su’aal deldelanoo 80. abwaanadaan u dirayaa 81. iney doorkan keenaan 82. afartaa daleeyaye 83. waxa aan ku degayaa 84. tu kaloo ka sii daran 85. cadligii dushu’u baxey 86. garsoorkaa dayaxa korey 87. xaqiibaa la dacal marey 88. sinaan laga dibooyoo 89. dadku wada jirkii lumi 90. dirsoociyo waswaasiyo 91. qabiilbaa darka u galey 92. samihiina laga durug 93. nin danlaa ka taajiray 94. ma durbaano khaliyaan 95. deymada ku dhowraa 96. ma dudada banaanbaan 97. ku dugaashadaa khalad 98. duurka waxan u galayiyo 99. meeday dawladnimadii 100. waa su’aal deldelanoo 101. abwaanadaan u dirayaa 102. dawadeedu waxey tahey 103. iney doorkan keenaan 104. afartaa daleeyaye 105. wax aanku darayaa 106. wali daalaleeydiyo 107. danta aan ka leeyahey 108. dabnaheygu mey furin 109. diihaalka gaajada 110. duruufaha adkaadiyo 111. danyaraha saboolka 112. daryeel li’ida haysiyo 113. dacartiyo dhibtuu qabo 114. nin dibirey ka xoogsadey 115. tiiyoo diifi haysoo 116. boqolaal dabloo shidin 117. cashuur lagu dalacayiyo 118. xisaabaha dul socodka’ah 119. dakhli laga uruursado 120. waxa loogu sii darey 121. nimcaa dedan dhulkeeniyo 122. kibir laga dul heesaa 123. cid u diirnaxaysoo 124. debecseni ku eegtoo 125. u damqada ma leeyiin 126. waa su’aal deldelanoo 127. abwaanadaan u dirayaa 128. iney doorkan keenaan 129. Axmedoow dundumo maydh 130. docna uma dhaqaaqee 131. waxaan doonisteedii 132. u dabaal-degaayiyo 133. waxan diidanee jira 134. inaan laba u kala deyo 135. diirka aan ka qaadee 136. dabayaaqadii mey 137. duhur laysu wada jiro 138. goosashadan dabka u ridey 139. go’aankii dadweynee 140. distoorkeena lagu dhigey 141. dedaalkaan ku goostiyo 142. ninka dood ka celiyaa 143. danbi qaran inuu galey 144. dadwaynaa u markhaatiya 145. carab dalable laba jeer 146. ninka ila dul joogoow 147. dumadaada weeyaan 148. waqtiyaa is daba marey 149. dabinaa ku hoos xidhan 150. miinaan dulmarayaa 151. doonibaa badweyn jaban 152. mawjadaa dalacayoo 153. ku dib jirey horseedkii 154. dalcadaa la galey adag 155. jarbaa lagu dul joogaa 156. fikir laga dambariyiyo 157. hadaan taladu dabar helin 158. go’aan loo degdegiyo 159. runta doobir laga dhigan 160. door-roone loo xuley 161. aanu diirada u qaban 162. daba gala wixii lumey 163. dawga laga habaabiyo 164. ku dabaala xeerkii 165. daacadnimo ku maamula 166. rajo daadegeysiyo 167. darayiyo dhib mooyee 168. wax is doorsha lama filo
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|