Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Oo Xukuumada Ku Canaantay Inaanay Fulin Sharciyada Ka Soo Baxa Golaha Wakiilada, Kana Hadlay Dhibaato Ay La Kulmeen Shaqaalaha Maxjarka Xoolaha Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Oo Xukuumada Ku Canaantay Inaanay Fulin Sharciyada Ka Soo Baxa Golaha Wakiilada, Kana Hadlay Dhibaato Ay La Kulmeen Shaqaalaha Maxjarka Xoolaha Berbera.
January 5, 2014 - Written by editor

Hargeysa(Wajaale-News):-xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doorto gobolka Saaxil ayaa xukuumada Somaliland ku canaantay inaanay fulin xeerarka ka soo baxa golaha sharci dejinta ee dalka.

Hargeysa(Wajaale-News ):-xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada ee laga soo doorto gobolka Saaxil ayaa xukuumada Somaliland ku canaantay inaanay fulin xeerarka ka soo baxa golaha sharci dejinta ee dalka.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa waxa kale oo uu ka hadlay dhibaato ay la kulmeen shaqaale ka mid ah kuwa maxjarka xoolaha ee magaalada Berbera kuwaas oo uu sheegay in la ruqseeyey.

Ugu horayn xildhibaan Maxamed Faarax Qabile  oo ka hadlaya sida aanay xukuumada u fulin sharciyada ka soo baxa golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa

uu yidhi ?waynu ogsoonahay in wixii xeer jideeyo sidiisa loogu dhaqmo, xeerar badan oo ka baxay golaha sharci dejinta oo madaxweynuhuna saxeexay ayaan wadanka  dhaqan gal ka ahayn, xeerarkaas waxa ka mid ah xeerka kala xadaynta ganacsiga oo aynu ognahay inay maanta sii baabayso dabaqadii dhexe ee ganacsatadu taasina ay keentay inay abuurmaan dabaqado  kala tagay oo qaybina ay taajirtay qaybina ay bakhtiyeyso, xeerkaasina waa mid si sharci ah uga baxay golaha, madaxweynuhuna saxeexay waana xeer mudo dhaqan gal ahaa, waxa kale oo ka mid ah xeerka Lr 14 ee ururada iyo asxaabta qaranka, xeerkaasna waynu ognahay inay dhamaatay mudadii guddida diwaan gelinta hadana wali ay digreeto madaxweyne ku shaqaynayaan, taas oo  qodobada kala ah 8.6.10 ay sheegayaan in mudada uu xeerkaasi sheegayo ee ay shaqaynayaan guddida diwaan gelintu  ay tahay laba sano oo kaliya taas oo ay kaga dhamayd sanadkii hore, sabab ay maanta u shaqeyaana aanay jirin, waxaanay ahayd inay shaqada ku wareejiyaan guddida doorashooyinka qaranka, waana arimo ay dawladu u baahan tahay inay laabta u sii dayso inay lixqo shuruucda dalka.? Ayuu yidhi xildhibaan Qabile

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo hadalkiisa sii wata  ayaa waxa uu ka hadlay dhibaato ay la kulmeen qaar ka mid ah shaqaalaha maxjarka xoolaha ee magaalada Berbera kuwaas oo uu sheegay inay waayeen xuquuqdii ay lahaayeen waxaanu yidhi ?xeerka shaqeeyaha iyo loo shaqeeyaha waa xeer ay maanta dhibaato badani ka haysato magaalada Berbera, dalka oo dhana ka taagan oo ay xuquuqdii shaqaaluhu ku luntay, tiraba 400 qof ayaa laga ruqseeyey maxjarka xoolaha ee magaalada Berbera dadkaasina dibad meer ayey u noqdeen iyaga oo xeerkaas xiganaya codsiyo ku sanbanaan qodobada xeerkaasi uu dhigayo ayey la yimaadeen, arinkaasina sabab uu u fuli waayey garan mayno in nin ajanabi ah uu kaga xuquuq roonaado muwaadiniintii dalka u dhashay xuquuqdii ay rabeen, waxaanay rabaan wixii xeerkaasi u jideeyey ee madaxweynuhu u saxeexay waana ayaan daro in anaga oo aan fulintii ahayn ay cabashadoodu noogu timaado baarlamaanka.?

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu sheegay inay magaalada Berberi ay leedahay cimilo ka duwan wadanka intiisa kale taas badalkeedana waxa uuu soo jeediyey wasaaradaha shaqada, xanaanada xoolaha, hay?adda shaqalaaha iyo isu duwayaashooda u jooga gobolka Saaxil inay shaqaalaha laga ruqseeyey maxjarka xoolaha ee magaalada Berbera ay xaqooda  siiyaan.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

CONTACT US : wajalenews@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS