|
|||||
WAJAALE NEWS
xildhibaan bashiir xuseen tukaale oo canbaareeyay sida loola dhaqmay ganacsatada suuqa jaamac gunti
January 16, 2014 - Written by Editor:Mudaharaad balaadhan oo saaka ka dhacay suuqa jaamac gunti dadfarabadan oo laxidhay iyo xildhibaan bashiir tukaale oo canbaareeyay sida loola dhaqmay ganacsatada suuqaaHARGEISA WAJAALENEWS ;Iska hor imaad balaadhan ayaa saaka dhexmaray dadwaynaha ku gancsada suuqa jaamac gunti iyo ciidamada booliska oo ay dabada kariixayso dawlada hooseHawlgalkan saaka oo ay fulinayeen dawlaha hoose cagafcafyadeedu dhamaana baabiyay dadkii danyarta ahaa ganacsigoodii,Dadwaynaha suuqaa ku ganacsada ayaa ciidanka kala horyimid dhagaxaan ay tuurayeen iyagoo ku an dacoonaya in ay dawlada hoose dulmi kuhaysoWaxaa laxidhxidhay dad badan oo u badan hooyooyin da ah islamrkaana booliska ayaa ula dhaqmay si arxandaro ah sida ay noo xaqiijiyeen dad goob jog ahaa waxay ciidamadu dhawacyo u gaysteen dad tiradoodu gaadhayso 4qof wali macadam inta khasaaraha halkaa kadhacay leegyahay.Maaha markii u horaysay ee dawlada hoose falkan oo kale kula kacdo dad masaakiin ah oo noloshooda suuqa kadabarayay wixii yaraa ee ay haysteena kabaabiisoDhinaca kale waxaa falkan fooshaxun canbaareeyaay xildhibaan bashiir xuseen tukaale oon kula kulanay goobta shaqaadani kadhacday wuxuuna yidhi;Maaha in dawlada hoose sidan oo kale ula dhaqanto dad muwaadiniina oo dalkoodii kugnacsanaya waxaa loobahan yahay in suuq ayku ganacsadan loo dhiso ee maaha in meel nin ganacsadihi dhistay lagu qasbo, iyagoo kawaayay meel ay kagalaanDawlada hoose waxaan u soo jeedinayaa in sidan oo kale dadka kadaaya sariimad xorana loo dhisoDadka laxidh xidhayna waxaan leeyahay waa in xoriyadoodii loo soo celiyaaDhinaca kale dadka saaka la xidhxidhay ayaa tiradoodu gaadhaysaa 20qof oo u badan dumar waayeelaSikastaba ahaateen waxaa laga war sugayaa sida ay dawlada dhexe uga damqato dulmiga ay dawlada hoose ku hayso dadkaa danyarta ah eek u ganacsanayay suuqa jaamac guntiWAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|