|
|||||
WAJAALE NEWS
Wejigii Labaad Mashruuca Berbera Corridor Oo Lagu Qiimeynayey Farsamada Iyo Khashka Ku Baxaya Dhismaha Waddada Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa.
January 15, 2014 - Written by Editor:HARGEISA WAJAALENEWS Kulankii labaad ee xubnaha guddida heer gobol (Regional Steering Committee) oo loo xil-saarey ilaalinta habsami u socodka hawsha qandaraaska mashruuca lagu magacaabo (Berbera-Addis-Ababa Corridor) ayaa maanta kulan ku yeeshay Hargeysa(WJN):-Kulankii labaad ee xubnaha guddida heer gobol (Regional Steering Committee) oo loo xil-saarey ilaalinta habsami u socodka hawsha qandaraaska mashruuca lagu magacaabo (Berbera-Addis-Ababa Corridor) ayaa maanta kulan ku yeeshay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa. Wejigan labaad oo lagu qiimaynayo farsamada iyo kharashka kama danbeysta ah ee ku bixi doona dhismaha Waddada Berbera ilaa Tog-wajaale, kaas oo ay gebo-gabadiisu ku eeg-tahay bishan June 2014-, isla mar ahaantaana looga gudbi doono Wejiga labaad ee bixinta qandaraaska dhismaha waddada. Waxaana kulankan ka soo qeybgalay Todobada xubnood ee ku magacaabaan guddida heer Gobol ee loo xil-saaray ilaalinta mashruuca (Regional Steering Committee),waxaanay kala yihiin guddoomiyaha Guddida, ahna maareeyaha Wakaalada horumarinta Waddooyinka Somaliland Prof Xasan Cali Cusmaan, Guddoomiye kuxigeenka guddida, ahna la-taliyaha Wasiirka Hawlaha guud Fu?aad Axmed Xuseen,laba Sarkaal oo ka socdaya Midowga Yurub (EU-da), iyo Sarkaal sare oo ka socdaya Urur-Goboleedka IGAD, xubin dekedda Berbera,Wasiir kuxigeenka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Xasan Daahir Dhimbiil, Waxaana qan-daraaska fulinaysa hay?ada Jarmarka ee GAUFF oo fadhigii saaka ay xubnuhu kaga dhageysteen warbixintii qiimeynta mashruuca, Sidoo kale waxa booqasho sharafeed iyo dhiirigelin ugu yimid Wasiirka qorsheynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo kulankaasi ka soo jeediyey hadalo aad u qiima baddna oo u badna dhiirigelin iyo mahad-naq iyo guubaabo la xidhiidha sidii mashruucan qiimaha baddan loo ilaalin lahaa oo uu sidii loogu talogalay looga midha-dhalin lahaa.
Kadib markii kulankaasi oo al-baabadu u xidhnaa uu qaatay muddo saacado ah, ayaa waxa warbaahinta uga waramay Maareeyaha guud ee Wakaalada Horumarinta Waddooyinka Prof. Xasan Cali Xasan, waxa uu yidhi “Halkan waxaanu ku kulanay shirkaddii qandaraaska ku qaadatay in ay sameyso daraasada jidka isku xidhaya Berbera iyo Tog-wajaale, oo muddo dheer hawshiisu socotay, laakiin qoladani waa qolo imika la siiyey shaqadda,waxanay bilaabeen shaqadan bishii Saddexaad ee sanadkii hore (2013)iyaga oo daraasada dhameyn doona bishan Junne ee sanadkan” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Kulankan waxa uu ahaa in ay soo bandhigaan wixii ay qabteen ee daraasad ahaa in ay noo sheegan,kuwaasi oo war-bixinta siinaya guddidii hogaaminaysay hawsha oo ka kooban Wasaarada madaxtooyada oo iyadu hoos tagta hay?ada waddooyinku,Wasaarada hawlaha guud,Wasaarada Qorshaynta, masuuliyiin ka socda Dekedda Berbera iyo hay?adda waddooyinka ee Itoobiya, intaasi waa inta guddida ah, waxa kale oo guddida xubin ka ah IGAD, waxa kale oo xubin ku leh Midowga Yurub (EU-da) marka intaasi ayaa maanta shir la lahayd shirkadii lasiiyey qandaraaska (GAUFF CONSULTANT), runtii wax baddan ayaanu isla fahaney wax baddana way qabteen, laakiin waxaanu culeyska saareynaa hawshaasi way nagu raagtay oo ilmihii dhashay waagii qorshahaasi lagu dhawaaqay waa 14-jir,welina waxba maynaan arag lakiin waxaanu rajeynaynaa in aynu ka midho dhalino, oo aanu culays aanu saarno si dhakhso loo bilaabo shaqada si fiican shaqadu way u socota.” Waxa sidoo kale oo isna goob-joog ka ahaa kulankaasi Agaasimaha guud ee Wasaarada Hawkaha guud iyo Guryeynta Mukhtaar Maxamed Cali. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE M,M, KHAYRE EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:DAAWO;-Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Gobolka Gabile... DAAWO;-Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Jsl Oo Sheegay In Ay Xeer Ciqaabeed Ka Soo Saarayaan Qofka Tag... "Farogalinta Suuqa Diyaaradaha Ee Sababay Inay Fly-Dubai Joojiso Duulimaadyada Somaliland' Waxa Uu N... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|