|
|||||
WAJAALE NEWS
Weftigii Somaliland U Matalaysay Wada Hadalka Wadanka Somaliya Oo Maanta Ka Dhoofay Magaalada Hargeysa Iyo Wasiirka Arimaha Debada Oo ka Hadlay Hawlaha Waftigan Horyaala
January 8, 2014 - Written by Editor:Hargeys(wajaalenews):-guddida Somaliland u matalaysa wada hadalka wadanka Somaliya ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Hargeysa(wjn):-guddida Somaliland u matalaysa wadahadalka wadanka Somaliya ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha eemagaalada Hargeysa. Guddidan oo ka kooban wasiiro ka tirsan xukuumada Somalilandayaa sheegay inay ku sii hakan doonaan magaalada Adis Ababa ee wadanka Ethiopiahalkaas oo ay ku sii qaadan doonaa tababar la xidhiidha wada hadalka. Wasiirka arimaha debada Somaliland Maxamed BiixiYoonis oo intii aanay ka duulin garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa lahadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka hadlay waftigan qaabilsan wada hadalka dalkaSomaliya waxaanu yidhi ?waxa maanta baxaya waftigii u xilsaarnaa wada hadalada Somalilandiyo somaliya guddidaas oo ka koobantodoba xubnood waxaanu maanta u duulaynaa Adis Ababa oo aanu dhawr cisho joogi doono taas oo aanu iskugu sii diyaarin doono wadahadalada kuna qaadan doono tababargaaban, intaasna aanu ku sii dedaali doono inaanu si xoog leh isku siiabaabulno haddii aanu nahay guddidii wada hadalka, anaga oo diyaara oo aad ugasii wada hadalnay kana wada tashanay waxaanu ku hadlayno, halka aanu ka galaynoiyo ajandahayaga samayskiisa intaas kadibna waxaanu u duuli doonaa wadanka Turkiga iyada oo dawlada Somaliya iyo wadanka Turkiguba ay si aad ah nooga codsadeen inaanu ku soo beegno 15/01/2014.?
Wasiirka arimaha debada Somaliland waxa uu markale ku celiyey in masuuliyada wada hadalku ay saran tahay xukuumada Somalilandisla markaana lagala xisaabtami doono waxaanu yidhi ? waxaan doonayaa inaan marlabaad ku celiyo inay masuuliyada wada hadalku saran tahay xukuumada somaliland labada gole-na waxay isku raaceen oo ay u ogolaadeen dawladainay masuul ka noqoto wada hadalada, wixii ka soo baxa wada hadaladaasna dadka Somalilandayaanu u sheegi doonaa, waxaanu maskaxda ku haynaa danta Somaliland halka aanuka duulaynaana waa qadiyada madax banaanida Somaliland, dawlada somaliyana wayogsoon tahay waxay tahay.? Wasiirka arimaha debada Somaliland oo hadalkiisasii wata ayaa waxa uu sheegay in laga wada hadli doono sidii loo kala bixilahaa waxaanu yidhi ?waxaanu ka wada hadlaynaa sidii aanu walaaltinimo iyojaarnimo anaga oo laba wadan oo kalamadax banaan ah inaanu ku wada hadalnomarkaa waxaan leeyahay ilaahay ha nalagarab galo hawshaas culus ee aanu socono, waxaanan leenahay waanu idinlasocodsiin doonaa wixii halkaas ka soo baxa? Ugu danbayntiina wasiirka arimaha debada Somalilandwaxa uu ka hadlay inay jiraan hawlo hore oo ay soo qabteen guddiyadii hore eelabada wadan ku matalayey wada hadalka waxaanu sheegay inay mudo qaadan doontoin labada wada ay is af garad ka gaadhaan wada hadalkooda waxaanu yidhi ?markala yidhaahdo dawlado ayaa wada hadlaya ama arimo noocan ah ayaa laga wadahadlayaa waxaad ogsoonaysaan inaanay ahayn hawl fudud oo ay wakhti u baahan tahay,dhawryo labaatan sanadoo ayeynu kala maqnayn oo aynu kala fogayn, waxaanu goosanay inaanu wada hadalno oo aanu isku nimaadno, wada hadaladuna waabilawga ugu horeeya ee ay Somaliland ku dedaalayso inay walaaladood isku afgartaan arinka ay doonayaan, dabcan ajandahooda ayey wataan anaguna kaayagaayaanu wadanaa wada hadaladana waxyaalobadan oo aynu wada qabsan karno ayaa jira , waxyaalo badan oo ay gudiyadii horesoo dhameeyaan ayaa jirta kuwaas oo heshiis laga gaadhay, markaa wadahadalkan micnihiisu waxa weeyaan sidiiay labada wadan u kala anba bixi lahaayeen, waxaana laga yaabaa inay mudoqaadato? ayuu hadalkiisa ku soo xidhay wasiirka arimaha debada Somaliland. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE Related posts:Xageebay Maraysaa Siyaasada Gobolka Gabiley, Maxaase Uga Hagaagi Doona Wasiirada Ka Soo Jeeda Gobolk... Madaxweynaha Sudan Omar Hassan al-Bashir, Oo Booqasho Xal Raadis Ah Ku Tagaya Dalka Koonfurta Sudan ... Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalka Masar Mohamed Mursi oo maanta maxkamad la soo taagay COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|