|
|||||
WAJAALE NEWS
waxaa dalka turkiga Istanbul ka Bilaamaya Wadahadaladii labada dawladood ee somaliland Iyo Somalia
January 16, 2014 - Written by Editor:HARGEISA WAJAALENEWS waxaa dalka turkiga Istanbul ka Bilaamaya Wadahadaladii labada dawladood ee somaliland Iyo Somalia maxaad u malayn in ay ka mid yihiin Qodobada laga Wada xaajoon doono doorkan, waa wareegii 4aad ee ay labada dal Isku hor fadhiistaan si face to face ah waxaana laga joogo 22 Sano in ka badan markii somaliland ka go’aday Somalia in teeda kale .”
Wada-hadalan u bilaamay somaliland Iyo Somalia ayaa ah kuwo ay somaliland beesha caalamka kula garnaqsanayso waxaana la hor Keenay dalka ay ka go’aday ee ay kala soo noqotay xoriyadii 1991kii kadib markii ay shacabka reer somaliland soo galeen halgan dheer oo ay kaga Xoreeyeen ciida dhulka somaliland cadawgii sida xun u gumaaday shacabaka somaliland ee aan waxaba galabsan.”
Sanadkii 2013 ayaa waxaa lays hor keenay labada dal waxaana ka dheexya dhaqaale ka maqan somaliland iyo arimo badan oo kale Lakiin somaliland ayaa ka madaxbanaan Somalia tan Iyo 1991 oo aan Haba yaraate wax dhaqaale Aduun Isugu jira aanay jirin.
Dalka somaliland ayaa waxaa ka dhacay 4 doorasho oo xora waxaana ka soo taliyay 4 madaxwayne oo shacabku soo doorteen oo kala ahaa cabdiraxmaan tuur Maxamed x Ibraahim cigaal daahir Riyaale Iyo madaxwanaha hada haya talada ee Axmed Maxamed Maxamuud (siilanyo).” Alle ha u naxariisto labada madaxawayne ee kala ah cabdiraxmaan tuur Iyo Maxamed X Ibraahim cigaal..
Hadana oo ah 2014 maxaad laga Wada hadalay sanadkii Tagay ee 2013 ? Waxaa ka mid ahaa in labada dal si siman u Wada hadlaan beesha caalamkuna u kala aqoonsatay somaliland Iyo Somalia oo kala madaxbanaan.
Waxaan hada la filayaa in la gaadho Wada hadaladaa natiijo wax ku ool ah oo dalka somaliland Iyo Shacabkiisa ka farxiya Inshallh.
Fariin gaara Waxaa shacabka reer somaliland la gudboon Inay ogaadan oo la socdaan in aan dawlada hada dalka haysa marna qaadan doonin mid nimo Iyo fedaraal waxaan uu yahay qodobka ugu muhiimsan ee ay u hortagtay Somalia aqoonsiga Somaliland.”
Guul ayaan somailand u rajaynayaa Iyo aqoonsi buuxa oo ay ka hesho beesha caalamka soon later.
Wabilahi tawfiiq
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|